4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh oo soo dhaweeyay xil ka qaadistii Xildhibaanada Baarlamaanku ay ku Sameeyeen Ra'iisul Wasaare Saacid


Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay mid dastuuri ah, isagoo sheegay inay xildhibaanada baarlamaanku muujiyeen howl-karnimo iyo mas’uuliyad.

Xasan ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Saacid uu howlo badan soo qabtay muddadii halka sano ahayd ee uu xilka hayay, isagoo intaas ku daray inuu uga hambalyeynayo dadaalladii uu sameeyay muddadii uu xilka hayay.

“Go’aanka uu baarlamaanku qaatay waxay caddeyn u tahay in dalka ugu xoogeysanayso dimuqraadiyadda,” ayuu madaxweynuhu ku yiri shirka jaraa’id ee uu qabtay kaddib xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Saacid.

Madaxweynaha oo uu muuqday mid ka jawaabaya hadal uu ra’iisul wasaare Saacid ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta qabtay oo ahaa in mooshinka laga geeyay xukuumadda uu ahaa mid lasoo abaabulay oo xubno wasiirro ah oo ku dhow madaxweynaha ay ka dambeeyaan, ayaa sheegay inuusan jirin haba yaraatee khilaaf ka dhexeeya isaga iyo Saacid, balse ay isku qabteen dib u habeynta xukuumadda taasoo muddo dheer soo socotay, maantana uu baarlamaanku go’aan ka gaaray.

“Anigu ma aanan oran ra’iisul wasaaraha ayaan xilka ka qaadayaa iyo sidan ayaan yeelayaa, balse isaga ayaa sheegay inuu khilaaf jiro, taas ayaana keentay sida aan filayo in baarlamaanku uu soo fara-geliyo uuna howshiisa ka qabsado,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in maanta uu isaga dastuurku u ogol yahay inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, ayna taasi qayb ka tahay awoodaha qaybsan ee dowladda Soomaaliya.

“Waan soo dhaweynayaa doorka baarlamaanku Somalia uu ku muujiyay inuu ku shaqeeyo dimuqraadiyad,” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray: “Waa muhiim in howl kasta oo la qabanayo loo maro dastuurka, waxaan soo dhaweynayaa sidoo kale go’aanka ay baarlamaanku gaareen. Mahad ayaan u eclienayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo hoggaankooda.”

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay is-dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dowladda aysanna jirin wax hallaabi doona, howluhuna ay intan iyo in ka badan gaari doonaan. Isagoo xusay in dowladdu ay gacan uga baahan tahay shacabkeeda si ay ugu guuleysato howlaha horyaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya