4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Sheegay inuu Aqbalayo Go’aan walba oo kasoo baxa Baarlamaanka kana hadlay Mooshinka


Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somali, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aan walba oo kasoo baxa baarlamaanka uu aqbalayo, isagoo mooshinka baarlamaanka laga geeyay ku tilmaamay mid abaabulan.

Saacid oo warbaahinta kula hadlaya Muqdisho ayaa sheegay inuusan xilligan jirin khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha oo ay arrintii ay isku qabteen ay heshiis ka gaareen, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo arrinta ay isaga iyo madaxweynuhu isku qabateen.

“Aniga iyo madaxweynaha muddo saddex toddobaad ah ayaa waxaa nasoo dhexgalay khilaaf yar waana ka heshiinnay, waxaana mooshinka hadda laga doodayo uu soo baxay inta muddadaas lagu jiray,” ayuu yiri Saacid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku eedeeyay diyaarinta mooshinkan inay ahayd mid ka yimid kooxo abaabulan oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan horumarka uu dalku ku tallaabsaday doonayana inay dalka dib ugu celiyaan dhibkii uu kasoo gudbay.

“Mooshin waa la iga geeyay hadda ka hor baarlamaanka, balse middan waa ka duwan yahay kuwaas, waa mid dhaqso soo baxay oo meesha uu marayo loo wada-jeedo, marka shaki ayaan ka qabaa in mooshinkan uu yahay mid ka yimid xildhibaannada baarlamaanka,” ayuu Saacid hadalkiisa ku daray.

Inkastoo ra’iisul wasaaruhu uusan si cad afka ugu dhufan cidda mooshinkan soo diyaarisay iyo iyo cid dabada ka riixaysa ayaa haddana wuxuu xusay in wasiirro dhowr ah oo xukuumadiisa ka tirsan oo dano gaar ah leh ay yihiin kuwa ka dambeeya in mooshinkan laga geeyo xukuumadda.

"Wasiiro ka mid ah xukuumadda oo qaba inay soo harayaan ayaa doonaya in si sahlan aniga la iiga bixiyo goobta, kuwaas waa kuwo dano gaar ah leh oo khatar muuqata ku ah amniga iyo horumarka dalka,” ayuu ra’iisu lwasaare Saacid ku sheegay hadalka uu warbaahinta siiyay.

Sidoo kale, ra’iisul waaaruhu wuxuu hadalkiisa ku daray in wasiirradaas ay yihiin kuwo dhinaca madaxweynaha is-xijinaya, taasoo dhaqankii laga soo gudbay ee siyaasadihii dalka ka jiray, balse uu ka baqayo in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed haddii uu xilka ka qaado.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale ka hadlay go’aankii shalay loogu diiday inuu khudbad ka jeediyo sidii uu isku difaaco ayaa sheegay in dhaqankaas uu yahay mid aan sharci ahayn.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuusan wax caqabad ah gelin doonin dalka, haddii xilka laga qaadanaya uu iska tagayo haddii uu ka kalsoonida helana uu sii shaqeynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya