4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
BASHIIR HOOBALEY: "Qaraxii xalay la igu weeraray saameyn kuma yeelan doono shaqada aan u hayo Shacabka Puntland"

Talaado, December 17, 2013 (HOL) —
Xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari oo xalay ka badbaadey weerar bambaano oo la doonayey in lagu khaarijiyo, ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay isla magaalada Boosaaso.

Bashiir Ismaaciil Axmed (Bashiir Hoobaleey) ayaa sheegay in qaraxaas isaga uu dhaawac fududi kasoo gaaray, xilliganna xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen dad uu ku tilmaamay nabad diid, kuwaas oo cadow ku ah nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaanada Puntland, taas isagoo ka hadlayey wuuu yiri:

“Waxan aaminsanahay inay yihiin intii qaraxyada hore sameyn jirtey oo kale, oo aan nabadda dalkan iyo mujtamacan noloshooda midna oggoleyn, ma oran karno Islaam bay ahaayeen…”

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in qaraxani aanu shaqadiisa saameyn ku yeelan doonin, islamarkaana aysan ahayn markii ugu horreysey ee la weeraro balse ay jirtey hadda kahor mar sidan oo kale gaarigiisa qarax loola eegtay.

Qaraxa xalay magaalada Boosaao ka dhacay oo loo adeegsaday bumbo nooca gacanta ah, waxaa lagu tuuray maqaayad ku taalla bannaanka hore ee Hotel Rooble, halkaas oo xarun u ah saraakiisha garsoorka ee ka howlgala maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari.

Hal qof oo dumar ahaa ayaa ku geeriyoodey qaraxaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof oo labo ay dumar yiihiin, iyo saddex kale oo rag ahaa oo ay ku jiraan xeer-ilaaliye Bashiir Hoobaley iyo mid kamid ah garsooreyaasha maxkamadda.

Shantii bishan ayey ahayd markii uu magaalada Boosaaso ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, qaraxaas oo galaaftay nolosha sagaal qof, ku dhowaad afartan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya