4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Shirkii ay lahaayeen Murashaxiinta Puntland iyo Madaxweyne Faroole oo is-faham waa kusoo Dhamaaday (SAWIRRO)


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Shir ay Murashaxiinta Puntland oo uu ku jiray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ay maanta oo Salaaso ah ku yeesheen xarunta Puntland ee Garoowe ayaa la isku khilaafay isla markaasna lagu soo kala tagay, xilli la isku qabtay qodobbadii la isla hor-fariistay.

Kulankan ayaa lugu doonayay in lugu xalliyo khilaaf soo dhexgalay dhawaan madaxweyne Faroole oo ah musharraxa doonaya in mar labaad uu noqdo madaxweynaha Puntland iyo musharraxiinta kale ee xilka madaxtinnimo u tartamaya.

Shirka labada dhinac oo saxaafaddu ay dibad-joog ka ka ahayd ayaa waxaa la isku khilaafay qodobkii ugu horreeyay ee la isla soo qaaday kaasoo ahaa arrinta guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Puntland, sida ay qaar ka mid ah saxaafadda u sheegeen musharraxiinta oo goor dhow shir jaraa’id qabtay.

Isfahan-waaga kaddib musharraxiinta ayaa kasoo baxay xarunta uu shirku ka socday oo ahayd madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxayna markiiba qabteen shir jaraa'id oo ay ku faahfaahiyeen masharraxiintu arrimaha ay isku khilaafeen iyaga iyo madaxweynaha.

Afhayeenka musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland, Cali Xaaji Warsame oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inay madaxweynaha kala hadleen arrimo ay ula muuqatay inay muhiim u yihiin doorashada la filayo inay dhacdo sannadka soo socda billowgiisa.

“Madaxweynaha iyo murashaxiinta ayaa kulmay inkasto shirkaasi aysan natiijo kasoo bixin, annaga dhankeena musharraxiinta waxaan kala hadalnay madaxweynaha arrimihii aan u arkaynay inay muhiim yihiin si doorasho xor iyo xalaal ah ay u dhacdo. Waxaan soo jeedinay dhowr qoddob oo ay ku jirto in la dhiso guddigii isimada ee xilliga doorashada oo ah marjaca loo laaban doono, sidoo kale guddiga ansixinta iyo xallinta ayaan ka wada hadalnay,” ayuu yiri murashax Cali Xaaji.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa soo hadal qaaday arrinta ay isku khilaafeen madaxweynaha wuxuuna yiri: “Madaxweynaha arrintaan isku khilaafnay ee aan kusoo kala boodnay waa arrinta guddiga doorashada, waxaana si cad ugu sheegnay madaxweynaha  inaa xaq u leennahay inaan isla magcowno guddigaas, taasna waxay keentay in shirkayagii maanta lagu kala tago.”

Guddoomiyaha murashaxiinta Puntland, Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo isaguna shirka jaraa’id ka halay ayaa sheegay inay murshaxiintu muujiyeen deggenaan iyo dabacsanaan si loo gaaro xal buuxa oo loogu dhaqaaqo doorasho haboon inay dhacdo.

"Madaxweynaha waxaan u sheegnay inay muhiim tahay in xal la gaaro, innagoo tusayna deggenaan iyo dabacsanaan si loo gaaro xal buuxa oo loogu dhaqaaqo doorasho haboon inay dhacdo," ayuu yiri Jen. Samatar.

Ugu dambeyntii, musharraxiinta xilka madaxweynanimo ee Puntland waxay ku baaqeen in isimada Puntland ay soo kala dhex-galaan khilaafka xilligan jira si xal loo gaaro. Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole, maadamaa kulanka uu la lahaa murashaxiinta uu kusoo dhamaaday is-fahan-waa.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa loo arka inay tahay mid saameeyn ku yeelan karta doorashada horraanta bisha Jannaayo ee fooda nagu soo haysa ka dhacaysa Puntland.





Iimaan Maxamed Jaamac
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya