4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Kulan looga hadlay sidii Dhallinyarada Muqdisho ay Xukuumadda u Taageeri Lahaayeen oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay qaabka dhallinyarada ku nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir u taageeri karaan xukuumadda cusub si nabad-galyada loo adkeeyo ayaa maanta ka dhacay Xarunta degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas'uuliyiinta maamulka degmada Shingaani iyo ururrada dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Shingaani, Cali Cumar Abuukar (Xamari) oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa xusay inay si diirran u soo dhaweynayaan magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed, isagoo xusay inay la shaqeeyaan ayna la garab taagan yihiin wixii uu uga baahdo.

"Degmada Shingaani waa degmo qadiimi ah, dadka deegenna lagu yaqaan nabad jacaylka, waxaa soo dhaweynayaa ra'iisul wasaaraha cusub, waa ku taageeraynaa, garabkaada taagan-nahay, xil culeys ayaa lagu dhiibay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Shingaani, Cali Xamar oo u mahad-celiyay CCD ee soo qaban-qaabisay kulanka.

Taliyaha saldhiga booliska degmada Shingaani, Mursal Maxamed Jaamac oo isna ka hadlay kulanka taageerada ah ayaa sheegay in dhallinyarada ay ka qaybqaataan amniga ayna la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isagoo si gaar ah u xusay in dhallinyarada degmada Shingaani ay nabadda degmada ka shaqeeyaan, taasna ay u tahay ammaan, balse ay ka dhacaan waxyaabo yar-yar mararka qaarkood.

"Maamulka degmada, hay'adaha kale ee ammaanka iyo dhallinyarada qaab wanaagsan ayay ammaanka uga wada-shaqeeyaan, degmadana waxay ka mid tahay degmooyinka ugu ammaanka badan gobolka Banaadir, waxaana diyaar u nahay degmooyinka dariska nala ah inaan kala shaqeyno amniga," ayuu yiri Mursal Jaamac.

Sidoo kale, xoghayaha degmada Shingaani, Maxamed Abuukar Sheekh Nuur ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin laf-dhabarka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in dhallin-yarada ay dalka dhaqaajiyaan, isla markaana soo kordhiyaan fikrado wax dhisaya ee aan wax duminayn.

"Khasaare walba oo dhaca wuxuu ku dhacaa dhallinyarada, iyaguna waa laf-dhabarka dalka, ma socon karo, mana dhaqaaqi karo hadii aysan dhallinyaro jirin. Dhallinyarada waa inay waxbartaan, is-dhex-gal iyo iska war-qabna ay sameeyaan mar walba si amniga loo adkeeyo, waana inay dowaldda Somalia la shaqeeyaan,  "ayuu yiri xoghayaha degmada Shingaani.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay mas’uuliyiinta dhallinyarada degmooyinka gobolka  Banaadir, kuwaasoo sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada ay isku-xir wanaagsan sameeyaan, isla markaana ku kulmaan baraha ay ku xiriirto bulshada sida Facebook-ga, ayna muujiyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuri karo hannaan nabadeed iyo jawi-wanaagsan.

Kulankan ayaa wuxuu ka mid ahaa kulammo isugu jira wacyi-gelinno, siminnaaro iyo dood-cilmiyeedyo ay hay'adda CCD ku qabanaysay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo sare loogu qaadayo is-dhex-galka dhallinyarada iyo horumarinta degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxay is-weydaarsaday dodo ku saabsan sidii nabadda caasimadda Soomaaliya looga shaqeyn lahaa, iyadoo kulanka laga soo jeediyay qodobbo saldhig u noqon kara nabadeynta degmooyinka gobolka Banaadir.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya