4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo Murashaxiinta Puntland oo uu shir uga socdo Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland, gaar ahaan madaxtooyada ayaa waxaa hadda ka socda shir ay wada-qaadanayaan musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxnimo ee Puntland iyo madaxweyne Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa isagu ka mid ah musharraxiinta ka qayb-galaya doorashada madaxweynanimo ee Puntland ka dhacaysa horraanta sannadka soo socda ee 2014-ka.

Kulanka  ay qaadanayaan musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimada Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha xilligan talada haya, Cabdiraxmaan Faroole ayaa ah mid looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaaf u dhaxeeya madaxweyne Faroole oo ah musharrax doonayaa in mar labaad uu noqdo madaxweynaha Puntland iyo musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxtinnimo, kuwaasoo isku khilaafsan arrimo la xiriira guddiyada doorashada.

Madaxweyne Faroole oo kulanka dah-furay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka musharraxiinta kula tartamaysa xilka madaxweynanimo ee Puntland.

Dhinaca kale, kulanka xilligan u socda musharrixinta Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa xilli  shalay isimada Puntland ay shir ku qaateen Garoowe ayna ku baaqeen in is-afgarad lagu dhameeyo khilafka xilligan u dhexeeya murashaxiinta Puntland iyo madaxweynaha oo laftigiisu murashax ah.

Faahfaahinta warkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Iimaan Maxamed Jaamac
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya