4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Xildhibaanno ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya inuu soo Magacaabo Wasiirro aan ahayn kuwii hore

Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha cusub, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wajiyo cusub ah, iyagoo ka digay in xilalka lagu soo celiyo wasiirradii hore ee la shaqeynayay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Mudanayaashan baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in xukuumaddii hore ay waxba ka qaban waday howlihii loo idmaday sidaa daraadeedna ay kula talinayaan ra’iisul wasaaraha cusub inuu keeno wajiyo cusub oo wasiirro, si ay wax uga qabtaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

“Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaan kula talinaynaa inuu soo magacaabo wasiirro cusub, maadaama wasiirradii hore iyo xukuumaddii ay ka tirsanaayeen lagu eedeeyay waxqabad la’aan,” ayuu yiri xildhibaan, Cabdi Barre Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkeed.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda uu soo dhisayo looga baahan yahay waxqabad ka badan tii xukuumaddii ka horreysay, sidaa daraadeedna uu si aad ah uga fikiro xubnaha uu wasiirro ka dhiganayo.

Waxaa isna isla arrintan ka hadlay xildhibaan, Yacquub Cali Maxamed oo ka dalbaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya inuu si aad ah uga fiirsado xubnaha uu wasiirrada u magacabaayo.

“Mudane ra’iisul wasaaraha waxaan kugula talinayaa inaad soo magacowdo wasiirro awood u leh howsha hortaalla xukuumadda, sidoo kalena uusan soo magacaabin wasiirradii hore ee waxqabad la’aanta lagu eedeeyay,” ayuu ku sheegay xildhibaanku hadalkiisa.

Hadlaka xildhibaannadan ayaa kusoo beegmaya xilli lagu wado in ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu hortago baarlamaanka si kalsoonida loogu qaado, iyadoo madaxweynuhu uu xildhibaannada weydiistay inay siiyaan codka kalsoonida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya