4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb-qaadanaya sidii xal loogu heli lahaa Dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Isniin, December 16, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira wasiirro, xildhibaanno, iyo odayaal dhaqameed uu horkacayo wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa isla maanta u anbabaxay deegaanka Kabxanley oo qiyaastii 30-km dhinac W/qooyi kaga beenga magaalada Beledweyne oo ay dhawaan ku dagaallameen labo meeleeshiyo beelleed oo in mudo ahba uu ka dhax jiray khilaaf salka ku haya lahaashaha  dhul-beeraadyo ku yaalla halkaa.

Xubnaha wafdiga ayaa la fillayaan in ay u kala dab-qaadaan labada dhinac si xal kama danbeys ah looga gaaro khilaafka mudada dheer soo jiitamayay marar badanna lagu guul-dareystay in la xaliyo.

Dagaallkii ugu danbeeyay ee dhawaan dhacay deegaannka Kabxanley waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo qeyb ka ah dadaalada nabad raadinta ah ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

Ma’aha markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan dowladda dhax-dhaxaadin ka galaan arrimaha leysku hayo, hasse ahaatee hadda waxaa muuqata in dowladdu xoogga saareyso dhameynta wixii khilaaf ah ee jira, madaama wafdiga soo gaaray magaalada uu yahay mid dhinacyo badan isugu jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya