4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2013
Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan oo sheegay inuu Fashiliyay Afgambi Milatari oo la doonayay in Xukunka looga tuuro
b3887e5c-f0c7-456d-82c6-494ab09c352e.jpg
Isniin, December 16, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka koonfurta Sudan Salva Kiir Miyardet ayaa sheegay in dagaalkii cuslaa ee ka qarxay magaalada Juba ee xarunta waddankaas uu ahaa mid salka ku hayay cinqilaab militari oo ay doonayeen inay fuliyaan kuwa ay siyaasada isaga soo horjeedaan.

Isagoo ku labisan dharka ciidanka ayuu talefishinka kasoo muuqday waxaana uu ku dhawaaqay in laga guulaystay cinqilaab wadayaasha.

"Waxaan ku raad joognaa haraadigooda, ciidamada waddanka koonfurta Sudan ayaa gabi ahaanba gacanta ku haya ammaanka caasimada Juba" ayuu yiri Silva Kiir.

Madaxweynuhu ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ahaa mid aad u culus oo keenay in gabi ahaanba ay istaagaan ganacsigii iyo isu socodkii magaalada Juba, waxaana uu bandow ku soo rogay magaalada.

Waxaana uu ku eedeeyay in afgambigan uu maleegay madaxweyne ku xigeenkii uu xilka ka eryay oo uu ka dhaxeeyay loolan dhanka hogaanka xisbiga talada haya ee SPLM Mr.
Riek Machar.

Mr. Riek Machar ayaa tan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii laga guulaystay ciidamadii taageersanaa sidaas waxaa lagu yiri warar kasoo baxay madaxtooyada dalkaas.

Habaynimadii xalay ayuu dagaalku qarxay waxaana dadweynaha waddankaas ku dhacay argagax iyagoo garan waayay sida wax u socdaan.

Qaar kamid ah Soomaalida ganacsiyada ku haysta dalkaas ayaa iyaguna walaac ka muujiyay xaalada.

Ganacsade Maxamuud Xassan Cabdille oo ku sugan magaalada Juba ayaa u sheegay Hiiraan Online in ganacsiyadu ay xiranyihiin iyadoo Soomaalidu ay maalgashi ballaaran oo dhinac walba ah ka samaysteen waddankaasi markuu xoroobay 2 sano ka hor.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya