4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Kooxo Bastoolado ku Hubeysan oo Caawa Fiidkii nin Wadaad ahaa ku dhex toogtay Masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho

Axad, December 15, 2013 (HOL) — Koox bastoolado ku hubeysneyd ayaa caawa fiidkii nin wadaad ahaa ku dhex toogtay masjid ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Wardhiigley, xilli uu dhageysanayay cashar tafsiirka Qur’aanka kariim ah oo laga akhrinaay masaajidkaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Bashiir Bile oo ka mid ahaa duqeyda iyo wadaaddada xaafadda Xamar-bile ayaa waxaa toogtay saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta isaga baxsaday.

Dadka xaafadda Xamar-bile oo toogashadu ay ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu salaaddii maqrib uu ka adimay majiaadka uuna ka aqimay, iyadoo aan la ogeyn sababta loo bartilmaameedsaday iyo cidda dilkiisa ka dambeysay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka, iyadoo tafsiirkii majidka ka socday uu istaagay, waxaana culummadii iyo dadkii kale ee dhageysanayay tafsiirka ay billaabeen inay masaajidka isaga cararaan.

Falalkan noocan oo kale ahaa dhowr jeer ooh ore ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo uusan weli ka hadlin maamulka degmada Wardhiigley.

Dilkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal soo laalaabtay oo Muqdisho ka dhacayay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo maydka marxuumka ay goobta ka qaadeen culummo kale oo saaxiibbo ahaayeen.

Ehellada marxuum Bashiir Bile ayaa sheegay in berry subax la aasi doono, iyadoo falkan uu kusoo beegmayo xilli magaalada Muqdisho uu xalay ka dhacay iskahorimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo taabacsan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya