4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2013
Kulan looga Hadlay sidii lagu sameyn lahaa Caymis oo lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, December 15, 2013 (HOL) — Kulan shalay ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho ayna isugu yimaadeen ganacsatada, jaamacadaha,  qurbo-joogta, bulshada rayidka ah, dhibbanayaal uu dabkii u danbeeyay ee KM-4 cayrteeyay iyo waxgarad kala duwan ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed oo ku waayay hanti gaaraysa 2.3-Milyan doollar kaddib markii qiimeyn dhab ah lagu sameeyay.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa kulanka kasoo jeediyay sida sannadihii u dambeeyay ay ganacsiga u dhibaateeyeen madaafiicda, dhaca, dabka, doomaha dagaya, baabuurta rogmanaysa iyo noocyada kala duwan oo ganacsiga dhibaatada joogtada ah ku haya.

“Waxaa baaritaan lagu sameeyay noocyada kala duwan ee caymiska qaabka Islaamiga ah ee ka jira dunida daafaheeda, laguna saleeyay dhaqankeena suuban sida loo xalliyo marka dhib dhaco. Tusaale ahaan:  xoolo-gooyaha, qaaraan, cayri caymo ma-diiddo, magdhaw iyo kuwa oo dhaqankeenna iyo afkeenna ku saleynsan,” ayuu yiri agaasimaha rugta ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre oo ka warbixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay.

Sidoo kale, waxaa aad loo sharraxay sida aysan suuro-gal ugu noqon karto ganacsatadeenna inay suuro-geliyaan sidii loo dhisi lahaa cayimis ku saleysan habka Islaamiga ah. Waxaana sidoo kale lagu taliyay in sare loo qaado horumarinta ganacsiga Soomaaliya iyo midka kala dhexeeya dunida inteeda kale.

Ugu dambeyn, ganacsatadii kulanka ka qaybglay ayaa soo dhaweeyay in la hirgeliyo Caymis guud iyadoo la kaashanayo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, muddo gaabanna looga baaraan-dago qaabka loo aasaasi karo Caymiskaas.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya