4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Qaraxyo Khasaare Nafeed Gaystay oo xalay ka dhacay Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-Bari ee Dalka Kenya

Sabti, December 14, 2013 (HOL) — Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya oo ay Soomaalidu degto ayaa xalay lagu qaaday weeraro khasaare gaystay oo lala eegtay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.

Weerarada oo ahaa kuwo loo adeegsaday bumbooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in bumbooyin lagu weeraray meel studio ah oo ku yaal fagaaraha Baraza ee bartamaha magaalada Wajeer saacadu markay ahayd 8:00 fiidnimo.

Booliska oo goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray daqiiqado kadib ayaa bilaabay xabado ay kor u ridayaan si ay u kala cayriyaan dad ku soo xoomay goobtii ay qaraxyadu ka dhaceen.

Booliska magaalada Wajeer ayaa sheegay inay baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hada loo qabtay.

Magaalada Wajeer waxay kamid tahay meelaha weerarada ugu badan ay Alshabaab ku qaaday tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2011-ka, balse ma jiro wax war oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan sheegashada weerarkan.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya