4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Sarkaal ka Tirsanaa Maamulka KMG ah ee Jubba oo Kismaayo Lagu Dilay iyo Saddex Qof oo shacab ah oo ku dhintay Howlgal

Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo ku toogtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha goobta ka baxsadeen.

Saraalka la dilay oo lagu magcaaabi jiray Cabdi Madoobe ayaa waxaa la sheegay in la dilay xilli uu gurigiisa sii galayay ayna toogteen laba dhallinyaro oo bastoolado ku hubeysan, dilka kaddib waxaa goobta gaaray ciidammada ammaanka ee maamulka Jubba.

Howgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa ku geeriyooday saddex qof oo shacab ah, kuwaasoo ay toogteen ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u toogteen.

Ciidamada oo howlgalkooda sii watay ayaa waxay ku qabqabteen dad fara badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab ayna wax ka abaabuleen weerarka lagu dilay sarkaalka.

Illaa hadda lama oga cidda ka dambeysay dilka sarkaalka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba ku eedeeyeen dilalka ka dhaca Kismaayo inay ka dambeyso Al-shabaab.

Dilka sarkaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laba habeen ka hor lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo mas’uul ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo, kaasoo lagu magcaabi jiray Macallin Axmed.

Xaaladda xaafadda Calanley ayaa saakay daggan, iyadoo dadka ay si aad ah u hadal hayaan dilka ay ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay ku dileen saddexda qof ee rayidka ah oo dhammaantood ahaa rag dhallinyaro ah.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday dhammaadkii sannadkii hore ka dhacayay dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro kale oo lala beegsaday maamulka iyo sidoo kale ciidamada AMISOM, iyadoo inta badan mas’uuliyadda falalkaas ay sheegatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya