4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Dibadbax lagu taageerayo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo ka socda Degmada Luuq iyo Dadweynaha oo ka hadlay


Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo ra’iisul waasaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa saakay ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena ay ka hadleen magacaabistiisa qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Axmed Buulle ayaa warbaahinta u sheegay in dibadbaxu uu yahay mid si nabadgalyo ah ku socda, ayna ka qayb-galayaan dadweyne fara badan oo isaga yimid guud ahaan degmada.

“Isku-soo-baxu wuxuu billowday saakay aroortii hore welina waa socdaa, waana mid lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha cusub, runtii innagu aad ayaan u soo dhaweynaynaa magacaabistiisa waana ku faraxsannahay,” ayuu yiri Axmed Buulle.

Tan iyo markii shalay gellinkii dambe uu madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxay dadku billaabeen inay ka hadlaan sida ay u arkaan.

Shacabka Muqdisho ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan ra’iisul wasaaraha cusub ayna u rajeynayaan in Alle la garab-galo howsha culus ee hortaalla.

“Ra’iisul wasaaraha waxaan u rajeynaynaa guul, waxaanse doonaynaa inuu marka hore wax ka qabto amniga, kaasoo ah tiirka koowaad ee nolosha,” ayay tiri Ruqiyo Yuusuf oo ka mid ah haweenka Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa isaguna aragtidiisa dhiibtay C/nuur Aadan oo ah ardayda wax-ka-barta jaamacadaha Muqdisho, wuxuuna xusay in ra’iisul wasaaraha looga baahan yahay inuu xoogga saaro sidii dalka oo dhan ammaan loogu soo dabbaali lahaa uuna ka fogaado in dhegta wax loogu sheego.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo la horgeynayo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado ayaa wuxuu sheegay inuu dadaal xooggan u geli doono wax ka qabashada xaaladaha dalka, sida sugidda amniga iyo dib u dhiska guud ee dalka.

Waa markii labaad oo madaxweynaha Somalia , Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabo ra’iisul wasaare tan iyo markii sannadkii tagay loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya