4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2013
Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Dowladda iyo Maamulka Jubba

Sabti, August 31, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Drs. Nkosazana Dlamini Zuma ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska ay Soomaalidu ku gaareen Itoobiya uu yahay mid taariikhi ah, waxayna hoosta ka xarriiqday inuu yahay mid xoojinaya heshiisyada ay gaarayaan dhinacyada Soomaalida.

Sidoo kale, Dr. Dlamini Zuma ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ay heshiiyeen ugu baaqday inay fuliyaan qodobbada ay ku heshiiyeen oo aysan noqon kuwo la iska illoobo.

Zuma waxay xustay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ku ammaanayso dadaallada dib u heshiisiineed ee ay wadaan iyo sidoo kale ka shaqeynta sidii ay dalka ammaan ugu soo dabbaali lahaayeen, iyadoo ugu baaqday inay sii wadaan dadaalladooda dib u heshiisiinta ah.

“Heshiiskan wuxuu xoojinayaa shirka Soomaalida loogu qabanayo bisha soo socota magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya,” ayay Dr. Dlamini Zuma hadalkeeda raacisay.

Dhanka kale, waxay sheegtay in ciidamada Midowga Afrika ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, iyadoo ku tilmaantay heshiiskan mid ka mid ah tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya dhanka horumarka u qaadday.

Heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa ayaa wuxuu dhigayay in maamul KMG ah loo sameeyo gobollada Jubboooyinka iyo Gedo, kaasoo xilka hayn doona muddo laba sano ah, kaddibna la sameyn doono maamul guud oo ay dadka deegaannadaasi soo dooranayaan.

Inkastoo heshiiskan ay madaxda dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid lagu xallinayay muran siyaasadeed ka taagnaa maamulka Jubbooyinka ayaa haddana waxaa kasoo horjeestay dad badan oo ay ku jiraan kuwa ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya