4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Hay’ad Maxali ah oo beeraleyda Magaalada Baydhabo u qabatay tababar ku saabsan Beeraha iyo Faa'iidadooda (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Hay’adda lagu magacaabo Solidarity Kernel Yield (SKY) ayaa tababarkii ugu horreeyay ee ku saabsan aqoonta beeraha isugu jira khudaarta iyo geed-miroodka kale siisay beeraleyda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay quburo cilmiga beeraha aad u yaqaanna, wuxuuna soconayay siminnaarkan muddo toddobaad ah; iyadoo beeraleyda la barayay faa’iidada khudaarta iyo geed-miroodka, kuwaasoo ay ka mid yihiin: ansalaatada, begelka, koostada, karootada, bocarka, basasha, saytuunka, canbaha, liinta, qaraha kuwa la midka ah.

Macallimiinta ayaa waxay sharraxaad badan ka bixiyeen fitimiinnada laga helo khudaartaas iyo faa’iidada ay carruurta iyo dadka waaweynba u leeyihiin, waxaa kaloo la barayay beeraleyda sida loo abuuro, sida loo kaydiyo iya sida loo isticmaalo.


Hiiraan Online , Baydhabo