4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Shirkii Dowladda Somalia iyo Jubbaland uga socday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo heshiis buuxa lagu gaaray

Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Shirkii toddobaadyadan uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ergooyin ka kala socday dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa lagu gaaray heshiis buuxa, iyadoo lagu wado in ergooyinka ay si rasmi ah u saxiixaan heshiiskan gellinka dambe ee maanta oo Arbaco ah.

Ilo wareedyo ay la xiirtay HOL ayaa xaqiijiyay in qodobki maalmihii ugu dambeeyay la isku haya heshiis laga gaaray, kuwaasoo ahaa cidda maamulaysa garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo.

Maamulka ilaha dhaqaalaha Kismaayo ayaa waxaa lagu heshiiyay inay lix bilood uu maamulo maamulka la sameynayo ee Jubba, kaasoo uu madax u yahay, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) markaas kaddibna loo sameeyo guddi wadajir ah oo maamula.

Qodobbada kale ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah ciidanka maamulkii hore ee Jubbaland la qarameeyo iyo in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa wuxuu meesha ka saarayaa khilaafkii siyaasadeed salka ku haya jiritaanka maamulka Jubbaland oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo xubnaha maamulkaas hoggaaminayay.

Ergooyinka labada dhinac ayaa waxay heshiiskan si rasmi ah u saxiixayaan inta u dhexeysa 2:00 illaa 3:00 galabnimo ee maanta, waxaana ku bixisay dadaal fara badan in labada dhinac ay heshiiskan gaaraan dowladda Itoobiya, iyadoo dhowr jeer uu shirku ku sigtay in lagu kala kaco.

Xubnaha shirkan sida weyn uga dhex muuqday ayaa waxaa ka mid ah, Sh. Axmed Madoobe, Prof. Maxamed Cabdi Gaani iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhinaca Jubbaland ka socday.

Sidoo kale, dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa shirkaas si weyn ug dhex-muuqday dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Britain, Sanbololshe, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir iyo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Soomaailya, C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Tan iyo bishii May ee sannadkan markaasoo lagu dhawaaqay maamulka uu madaxda ka yahay Sheekh Axmed Madoobe, waxaa jiray muran siyaasadeed u dhexeeyay dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulkaas, inkastoo heshiiskan uu soo af-jarayo dhammaan murankaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya