4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2013
Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Dhadahaab ee Dalka Kenya oo dooranaya Hoggaamiyeyaal cusub


Arbaco, August 28, 2013 (HOL) — Qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ayaa toddobaadkan dooranaya hoggaamiyeyaal cusub, xilli ay dowladda Kenya qorsheynayso in qoxootiga dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.

In ka badan 160,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku jira Dhadhaab ayaa waxay dooranayaan 1,000 hoggaamiyeyaal cusub ah oo lagu wado inay hoggaanka u qabtaan qoxootiga ku jira xeryahaas, iyadoo doorashada lasoo gabagabeynayo berri oo Khamiis ah.

Murashaxiinta waxay ku tartami doonaan maamulka qaybo kala duwan oo ka mid ah kaamamka, iyadoo lagu wado in jago kasta ay kusoo baxaan qof dumar ah iyo qof rag ah oo ku shaqeyn doona si mutadawacnimo ah.

Doorashadan ayaa waxaa soo agaasintay waaxda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya oo kaashanaysa hay‘adda UNHCR iyo hay’ado kale oo iyaguna bixinaya kharashaadka ku baxaya doroashada.

Nyberg oo u hadlay UNHCR ayaa sheegay in 50% cod-bixiyeesha ay ka imaan doonaan hal kaam. Sidoo kalena la filayo in doorashadan ay si aad ah uga wanaagsanaato tii dhacday sannadkii 2006.

“Waa tallaabo aad u wanaagsan in shalay la doortay hoggaamiyeyaasha kaamka IFO II oo ka mid ah kaamamka Dhadhaaab-Kenya. Waana kuwo cusub, waxayna diyaar u yihiin inay ka shaqeynayaan horumarinta IFO II,” ayuu yiri Nyberg.

Qoxooti ku dhow nus malyuun qof oo Soomaali ah ayaa xilligan ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ah kuwa ugu weyn  dunida, waxaana qoxootiga ay halkaas ku jireen muddo ka badan 20-sano.

“Tiro badan oo ka mid ah qoxootigan weligood codkooda ka dhiiban goob ay ka dhacayso doorasho hadda ka hor, waayo waxay kasoo barakaaceen dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Nyberg oo intaas ku daray. “Qoxootigan 100,000 oo ka mid ah waxay xeryaha soo galeen labadii sano ee ugu dambeysay, iyagoo dalkooda uga soo cararay dagaallo iyo abaaro ku dhuftay. Sidaa daraadeed doorashadan waxay ka faa’iideysanayaan inay bartaan dimuqraadiyadda.”

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Nairobi lagu qabto shir looga hadlayo dib u celinta qoxootiga Soomaalida ah ee kujira xeryaha Dhadhaab, kaasoo ay ka qaybgalayaan madaxweynayaasha labada dal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya