4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Qaraxyo Khasaare geystay oo Degmada Yaaqshiid lagula eegtay Ciidammo ka tirsan Milateriga Dowladda Soomaaliya

Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xig-xigay oo gellinkii dambe ee maanta lagula eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia xaafadda Caymiska ee degmada Yaaqshiid.

Qaraxyadan oo ahaa miinooyinka jidka dhinaciisa lagu duugay ayaa waxaa middii hore lagu qarxay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas socod ku marayay, iyadoo tii labaadna ay qaraxday markii ciidammo kale oo ka ag-dhawaa goobta ay u soo gurmadeen ciidamada la qarxiyay.

“Gellinkii dambe ee maanta waxaa laba qarax oo daqiiqado ay u dhexeeyeen lala beegsaday ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya, waxaana arkay shan askari oo mayd ah, tiro kalena dhaawacyo ayay qabeen,” ayuu yiri ruux ka dhawaan goobta ay qaraxyadu ka dhaceen.

Ciidamadii ka badbaaday qaraxyadan ayaa furay rasaas aad xooggan taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay aasaaska guddi ka shaqeyn doonna ammaanka dalka.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso qaraxyada khasaaraha xooggan ay kasoo gaartay ciidamada dowladda, iyadoo xaafaddaas inta badan qaraxyo lagula eegto ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab oo laba sano ka hor laga saaray Muqdihso ayaa waxay horay u sheegeen inay ku sugan yihiin xoogag iyaga taageersan, kuwaasoo ay sheegeen inay fuliyaan qaraxyo iyo weerarro kale oo ay ka mid yihiin dial qorsheysan.

Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxay bilhii lasoo dhaafay la ciir-ciiraysay amni-darro xooggan, taasoo ay hay’adaha amniga ee dowladu sheegaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya