4/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda dadka Shiinaha (SAWIRRO)



Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay magaalada Beijing ee xarunta dalka Shiinaha kula kulantay ra’iisul wasaare ku xigeenka jamhuuriyada dadka Shiinaha, Wang Yan.

Labada mas’uul waxay kaga hadleen shirkooda sidii xiriirkii labada dal loosoo celin lahaa iyo sidoo kale sidii xiriir iskaashi oo cusub uu labada dalka uu u dhexmari lahaa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha ayaa ballan-qaadday kaalmo deg-deg ah inay Soomaaliya siinayaan ayna ka taageerayaan dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska hay'ada dowladda, isagoo xusay inay badinayaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu raisul wasaare ku xigeenka Shiinaha uu ku dhawaaqay inay safaarradoodii Soomaaliya dib u furanayaan isagoo xusay in la billaabi doono inta uusan sannadkan dhammaan.

Sidoo kale, wasiirradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa iyaduna u ballan-qaadday dowladda Shiinaha inay siinayaan dhul ay ka dhistaan safaaraddii ay Soomaaliya ku lahaayeen, si ay dib uga furaan safaaraddoodii.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hoggaaminayso Fowsiyo Yuusuf ayaa booqasho toddobaad qaadatay  ku joogay dalka Shiinaha iyagoo soo maray magaalooyin ay ka mid yihiin dalkaas sida Shangahay iyo Hothot oo ku yaalla bariga Jamhuuriyada dadka Shiinaha.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta oo Tallaado ah kulan la qaadanaysay wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda dadka China, Mr Wang Yi, iyagoo kawada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii xiriir cusub oo iskaashi ay u sameysan lahaayeen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/27/2013 2:06 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan wadatashi ah oo ku saabsan sidii loogu heli lahaa dhaqaale dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Isniintii shalay, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Itoobiya ee ENA.

8/27/2013 2:06 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay in 27-ka Ogoosto ay tahay maalinta xaquuqda aadanaha Soomaaliya, kaddib kulan maanta ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasoo lagu soo bandhigayay khariiradda geeddi socodka xaquuqda aadanaha Soomaaliya.

8/27/2013 1:32 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xig-xigay oo gellinkii dambe ee maanta lagula eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia xaafadda Caymiska ee degmada Yaaqshiid.

8/27/2013 1:30 PM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee ururada haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay go’aankii 22-kii bishan ay golaha wasiirradu ku dalbadeen in xayiraadda laga qaado ganacsade, Axmad Nuur Cali Jimcaale.

8/27/2013 8:56 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay golaha amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aannada golaha amniga Qaranka.

8/27/2013 8:32 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed WaranCade, ayaa digniin u diray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana hawadda u mariyey in aanay soo farogalin xuduudda Somaliland.

8/27/2013 8:27 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay in ay kala qaadan maleeshiyo beelleed dagaal ku dhaxmaray deegaannka Deefoow oo 30-km dhinac W/qooyi kaga beegan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kadib markii ay halkaa gaareen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka oo ay wehliyaan saraakiil ciidan.

8/27/2013 3:35 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Sarkaalka ugu sareeya howlgalka UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa beesha caalamka iyo kuwa ka jira gobolka ugu baaqay inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay cagaheeda isugu taagi lahayd mar kale.

8/27/2013 2:40 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlya warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in deegaannada ay ka taliyaan ay amni ahaan iyo nolol ahaan ka wanaagsan yihiin kuwa ay ka taliso dowladda.

8/27/2013 2:08 AM EST
Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horraanta bisha September ee soo socota la qaban doono shirweyne Qaran oo socon doona muddo shan maalmood ah si bulshada looga qayb-geliyo siyaasadda dalka.