4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Al-shabaab oo ku faantay in Deegaannada ay ka Taliso ay ka Amni iyo Nolol Wanaagsan yihiin kuwa ay Dowladdu ka Taliso


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlya warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in deegaannada ay ka taliyaan ay amni ahaan iyo nolol ahaan ka wanaagsan yihiin kuwa ay ka taliso dowladda.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale kaga hadlay wareysigiisan in dagaalka lagula jiro Al-sabaab ay gun-dhig u yihiin baabi’inta diinta islaamka iyo sidii loo guran lahaa khayraadka dalka.

“Deegaannada ay Al-shabaab ka taliso waa kuwo ka wanaagsan amni ahaan iyo nolol ahaan kuwa ay dowladda Soomaaliya ka taliso, taasoo ku tusinaysa in shacabka iyo xoogagga Al-shabaab ay iska kaashadeen wax ka qabashada ammaanka iyo nolosha deegaannadan,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dagaallada lagula jiro Al-shabaab ay ka mid yihiin sidii dalka khayraadkiisa loo guran lahaa, isagoo tusaale u soo qaatay is-qabqasiga dhinaca maamulka ah ee ka taagan magaalada Kismaayo.

“Muranka ka taagan magaalada Kismaayo waa salka ku haya sidii hantida dalka lagu boobi lahaa, waxaana murankan uu u dhexeeyo waa dalalka dariska la ah Soomaaliya, taas ayaana gun-dhig u ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Al-shabaab sababtii looga saaray Kismaayo ay tahay inay ka hortagayso in khayraadka halkaas yaalla si fudud lagu gurto, taas awgeedna laga saaray magaaladaas si khayraadka dalka loo gurto.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarrada ay xoogaga taabacsan ka fuliyeen deegaanada ay ka taliso dowaladda Somalia, ayaa ku sheegay hadalkiisa inay ahaayeen kuwo lagu dhibaateeayay AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Al-shabaab waxay howlgallo firfircoon ka fulisay Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, khasaarooyin badan ayaana loogu geystay, waxaana weerarradaas ka mid ahaa kuwii bishii Ramadaan ka dhacay Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in dagaallada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika iyo kuwa dowladda kula jiraan ay sii socon doonaan inta ay ka gaarayaan hadafkooda oo ah inay dalka oo dhan kusoo rogaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya