4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2013
Dowladda Somalia oo Sheegtay inay Qabanayso Shir-weyne looga hadlayo Arrimo ay Doorashooyinku ka mid yihiin


Talaado, August 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horraanta bisha September ee soo socota la qaban doono shirweyne Qaran oo socon doona muddo shan maalmood ah si bulshada looga qayb-geliyo siyaasadda dalka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaban-qaabinayso shirweyne Qaran oo lagu qaban doono Muqdisho inta u dhaxeysa labada illaa lixda bisha September, kaasoo loogu gogol-xaarayo sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa sanadaha soo socda nidaamka doorasho oo xorta ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay go’aamisay in horraanta September Muqdisho lagu qabto shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo sidii loo meel-marin lahaa wixii lagu ballamay oo ah inay Soomaaliya ka dhacaan  doorashooyin xor ah. Shirkan ujeeddooyinkiisu waxaa ka mid ah in dowladdu ka qayb-geliso arrimaha siyaasadda bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxtooyada wuxuu hadalkiisa ku daray in looga hadli doono shirkaas qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u habeynta iyo dhaqan-gelinta dastuurka, in dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, xoojinta hay’adaha dowladda,  hirgelinta federaalka iyo sidii awoodaha loo qaybsan lahaa. Afhayeenka wuxuu xusay in shirka la keeni doono khubaro arrimaha looga hadlayo ku takhasusay.

Shirkan ayaa la sheegay inay ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, uuna ka mid noqon doono shirarkii horay loogu qabtay dalka, si shacabku ay aragtidooda uga dhiibtaan fulinta qodobbada horyaalla dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkan Muqdisho ku qabanatay shirar looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin garsoorka dalka iyo waxbarasha kuwaasoo ay kasoo baxeen qodobbo dhowr ah, balse aan weli la hirgelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya