4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Wasaaradda amniga Maamulka Puntland oo soo saartay amarro ku saabsan Nabad-gelyada Maritaanka Waddooyinka
Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Kulan ay maanta isugu yimaadeen wasiirka amniga, wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka iyo taliyaha booliska Puntland ayaa laga soo saaray ammaro la xiriira nabadgelyada waddooyinka Puntland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga, waxaa markii uu soo gabagaboobey kaddib warbaahinta la hadlay, wasiirka amniga Puntland Kol. Khaliif Ciise Mudan.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan wadayaasha gaadiidka ee aan lahayn leysanka ama dukumiintiga ogolaanshaha dareewalnimada ee Puntland la farayo in ay sida ugu dhaqsaha badan ku qaataan.

Gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka waaweyn ka dhex shaqeeya ee BL-ka loo yaqaan, ayuu iyagana wasiirku sheegay in ay jiraan qaar albaabka ku leh dhinaca waddada, arintaasoo uu tilmaamay inay tahay mid khatar ku ah bulshada. Mulkiileyaasha gaadiidka noocan ah ayuu iyagana wasiirku sheegay in  fursad loo siiyey ilaa 10-ka bisha soo socota ee September in ay qaabkaas wax kaga beddelaan.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirka amniga ee Puntland sheegay in la xaddidayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka dowladda xilliga habeenka ah, isagoo sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin in Puntland uu ka dhex shaqeeyo gaari aan lahayn summada gawaarida lagu kala garto ee taarikada.

Shilalka gaadiidka ee ka dhaca Puntland ayaa sanad walba galaafta nolosha tobannaan qof, waxaa sidoo kale ku burbura dhaqaale badan, arintaas waxay dadka qaar u sababeeyaan xirfadda wadayaasha gawaarida oo hooseysa, iyo weliba iyagoo aan marin imtixaan dareewalnimo oo rasmi ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland