4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Shacabka Soomaaliyeed oo loogu baaqay inay ka qaybqaataan sidii Amniga lagu sugi lahaa dalkana lagu Horumarin lahaa

Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qaybqaataan sugidda ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo inay bixiyaan canshuuraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Jamac Axmed Oday oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qayb weyn ku yeeshaan sugidda amniga ayna bixiyaan canshuuraha loogu adeegyo shacabka.

Jaamac Oday wuxuu sheegay in haddii shacabku aysan la shaqeyn dowladda aysan jirin wax ay dowladdu keligeed qaban karto, balse laga doonayo inay ka qaybqaataan horumarinta dalkooda. Isagoo dhanka kale xusay in haddii ay shacabku la shaqeyn waayaan dowladda inay taasi sii kordhin karo dhibka dalka ka taagan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inay qaybtooda ka qaataan howlaha dalka loogu adeegayo, waayo danta gaarka ah ee qofka waxay ku dhex jirtaa danta guud. Dowladnimadu waa shacabka, marka shacabka waa inay dhexda u xirtaan sidii ay dowladdooda ugala shaqeyn lahayeen sugida ammaanka iyo horumarinta adeegyada guud ee bulshada,” ayuu wasiir ku xigeenku ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu weydiistay shacabka Soomaaliyeed inay wax ku bixiyaan danta guud, isagoo sheegay in canshuuraha shacabka laga qaado ay yihiin kuwa lagu dhiso isbitaallada iyo iskuullada, kuwaasoo uu ku sheegay inay aasaas u yihiin nolosha iyo horumarka bulshada.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in haddii ay shacabka la yimaadan qodobbada uu sheega la filan karo isbadal wanaagsan oo dalka oo dhan ka hirgala, gaar ahaan dhinaca horumarka adeegyada bulshada.

“Ma jiro qof heli kara waxbarasho ay isaga iyo caruurtiisa oo keliya si gaar ah wax ugu bartaan, qof kasta ma sameysan karo amni, ceelal iyo waxyaabo kale oo nolosha aasaas u ah, marka waxaad ogaataan in wax kasta lagu gaari karo ka shaqeynta horumarka dalka iyo in wax la wada qabsado,” ayuu Jaamac Oday ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Hadlaka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay jiraan falal ammaan-darro oo magaalada Muqdisho kusoo laalaabtay, kuwasaoo ay dhibaatooyoin kala duwan kasoo gaareen dad rayid u badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya