4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta ka Duulay Magaalada Garoowe iyagoo ku wajahan Nairobi
Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iyo wefdi uu horkacayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Wefdiga madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Socdaalka madaxweynaha waxaa ku weheliya mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, kuwaasoo ay qayb ka yihiin: Wasiirka amniga, wasiirka caafimaadka iyo wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose.

Madaxweynaha oo waxyar kahor intii uusan garoonka ka duulin war-fidiyeenka la hadlay, ayaa ka warbixiyey ujeedada safarkiisa iyo weliba muddada uu qaadan karo, wuxuuna sheegay in safarka wefdiga Puntland ee Kenya uu yahay mid ku wajahan sidii ay halkaas kulamo ugula soo yeelan lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.

Waxyaabaha ay isla soo qaadi doonaan ayuu tilmaamay inay kamid yihiin, xaaladda guud ee dalka iyo tan Puntland iyo arimaha bini aadamnimada, gaar ahaan ka bixintaanka hay'adda MSF ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Faroole ayaa markii ugu horeysey sheegay inuu ka qayb geli doono doorashada Puntland ka qabsoomi doonta horraanta sanadka soo socda ee 2014, isagoo tilmaamay in mar labaad uu xilka madaxtinimada u tartami doono.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Puntland ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay inay soo xulaan xildhibaanno tayo leh, kuwaas oo meteli kara dadka reer Puntland una horseedi kara horumar iyo dowlad wanaag.

Bishii June ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu dambeysey ee madaxweynaha Puntland uu safar shaqo ku tago dalka Kenya, isagoo xilligaas iintii uu Nairobi joogey la kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda Xasan Sheekh - oo isna markaas Nairobi ku sugnaa - iyo qaar kamid ah jaaliyadda Puntland ee Kenya.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland