4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2013
Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland iyo Ciidammo uu Wato oo ku Wajahan Magaalada Taleex ee Xarunta Khaatumo


Isniin, August 26, 2013 (HOL) — Madaxwene ku xigeenka maamulka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa la sheegay inuu u ambabaaxay magaalada Taleex ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka taagan yihiin kacdoono laga soo horjeedo imaanshihiisa.

Safarka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaan si dhab ah loo ogayn wuxuu salka ku hayo, balse wararka ayaa sheegaya in shir beesha uu kasoo jeedo ku yeelan doonaan tuulada Sarmaanyo ay bud-dhig u tahay, halka qaar kalena leeyihiin waxay inay jirto isku soo dhawaansho siyaasadeed u dhexeysa madaxda Puntland iyo kuwa Khaatumo ee ay xaruntu u tahay Taleex.

Maalinimadii shalay ayay tiro dad ahi isugu soo bexeen Koorfurta degmada Taleex kuwaasoo ku dhawaaqayay hadallo ay ku diidan yihiin C/samad Cali Shire, isla markaana ay kusoo dhaweynayaan shirka maamulka Khaatumo oo dhaafay xilligii la qaban lahaa, iyadoo la sheegay inuu dhici doono bisha soo socota.

Illaa hadda lama saadin karo wuxuu noqon karto safarka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland; iyadoo uu magaalada Taleex ku sugan yahay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, balse saaka wax dhaqdhaqaaq ah kama muuqdaan magaaladaas sida laga soo xigtay shacabka degmadaas ku nool.

Safarkan ayaa ah mid aad u khatar ah waxaana madaxweyne ku xigeenka puntland safarkiisa ku wehliya ciidammo laba boqol ku dhow kuwaasoo laga baqdin qabo inay isku dhacaan beelaha beelaha deegaankaas dega.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool