3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo kulan la qaatay odayaasha beesha Jareerweyne ee Gobollada Jubbooyinka (SAWIRRO)



Axad, August 25, 2013(HOL) :- Xildhibaan C/rashiid Max’ed xidig oo katirsan mudanayaasha baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay odoyaasha beesha Jareer weeyne ee degta gobollada Jubooyinka.

Xildhibaanka ayaa odoyaashii uu kulanka la qaatay ka dhageystay warbixin ay uga hadlayeen xaaladda guud ee gobollada Jubooyinka iyagoona sidoo kale xidlhibaanka u dhiibay fariin ay u dirayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Odoyaashan oo qeyb ka ahaa ergadii soo dhistay maamulka Jubbaland ayaa  goobta ka sheegay in ay taageersanyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoona ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya in ay taageerto islamarkaana ogolaato maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Odoyaashan ayaa sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan nidaamka ay Soomaalida wax ku qeybsato ee 4.5 kaasoo ay sheegeen in had iyo jeer lagu duudsiiyo xaqooda.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo madasha  ka hadlay ayaaa u ballan qaaday odoyaashii goobta ka hadlay in fariintooda uu gaarsiin doono dowladda Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale rajo wanaagsan ka muujiyay shirka ka soconayo magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya kaasoo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Gabagabadii odoyaasha beesha Jareerweeyne oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Xildhibaanka iyagona intaa ku daray in fariinta uu xildhibaanka uga keenay dowlada Soomaaliya ay tahay mid ahmiyad u leh beesha iyo guud ahaan shacabka Jubooyinka.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday gudaha magalaada Kismaayo kulamo kala gedisan oo  uu la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
8/25/2013 2:06 PM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyadii ka qaybgalay doorashadii madaxweynenimo ee Soomaaliya ee dhacday sannadkii hore ee 2012 ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah ku dhaliilay wax-qabadka madaxda dowladda Soomaaliya.

8/25/2013 12:38 PM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga socda ergooyinka ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhinacyadu ay ku heshiiyeen dhowr qodob, balse ay weli jiraan kuwo la isku mari la’yahay.

8/25/2013 9:15 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda Somaliland ku canaantay wax ka qabasho la’aanta dooxyadda dul mara Wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland oo uu u dambeeyey Suldaan Bare Shire oo dhawr cisho ka hor uu qaatay dooxaasi.

8/25/2013 9:03 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay dhibaataddda uu leeyahay cudurka Halista badan ee HIV/IADS kaas oo dhibaatooyin badan ku haya caalamka.

8/25/2013 8:48 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Taliyihii guutada labaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Cali Guure Afdhuub ayaa lagu aasay maanta oo Axad ah gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu u dhintay dhaawac u geystay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo isbaato ay u taallay.

8/25/2013 8:37 AM EST
Sabti, August 24, 2013(HOL)—Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin badan oo ka kala ytimid dalalka Geeska Afrika ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay ka soo baxday natiijo muhiim ah oo

8/25/2013 7:56 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacay diyaarad saaka ka qaaday wafdi ka tirsan saraakiisha milateriga dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo si khaldan ugu dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

8/25/2013 6:56 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Ninkan oo kasoo baxsaday saldhigga booliska degmada Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa diley labo qof isagoo dhawacay qof kale.

8/25/2013 6:52 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed sida culummaa'uddiinka, odayaasha, dhallinyarada, haweenka, xildhibaannada baarlamaanka qaarkood iyo qurbo-joog kana dhacay hoteelka Jaziira ee Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray go'aankii 22-kii bishaan kasoo baxay golaha wasiirrada dowladda Somalia ee lagu dalbanayay in xayiraada laga qaado ganacsade Axmad Cali Jimcaale.

8/25/2013 6:20 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamed oo ah guddoomiyaha ugu sarreeyo maxkamadda degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa laba habeen oo isku xigta waxaa guriga uu ka daggan yahay degmadaas lagu weeraray bam-gacmeed.

8/25/2013 6:12 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka bilaabay xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne howlgal isugu jiray nidaamka deriseynta iyo tirkoob lagu sameynayo tirada dadka ku dhaqan xaafaddaha magaalada.

8/25/2013 2:52 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Inkastoo wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ay ahaayeen kuwo aanay warar badan kasoo baxayn ayaa haddana waxaa la sheegay in shalay gellinkii dambe lagu kala dareeray.

8/25/2013 2:11 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee Masar ayaa maanta oo Axad ah dhegeysaneysa dacwad ka dhan ah saddex kamid ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kuwaas oo kala ah hoggaamiyaha guud ee ururka Muxammad Badiic iyo labo nin oo ku-xigeeno u ah, laguna kala magacaabo Kheyrat Shaadir iyo Rashaad Biyuumi.