3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
SIILAANYO: “Waxaa lagama maarmaan ah inaan dhammaanteen Awoodda isugu gayno Xakameynta Cudurka HIV/AIDS” (SAWIRRO)


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay dhibaataddda uu leeyahay cudurka Halista badan ee HIV/IADS kaas oo dhibaatooyin badan ku haya caalamka.

Madaxweynaha oo ah gudoomiyaha guddida xakameynta HIV/AIDS, ayaa shir la yeeshay guddidda la dagaalanka cudurkaasi, waxaanu halkaasi ka soo jeediyey toddobo qodob oo wax lagaga qabanayo faafitaanka cudurkaasi oo faro baas ku haya dalalka afrika iyo guud ahaan caalamkaba, isla markaana waxa uu xusay in gabi ahaanba laga tirtiro Somaliland.

“Sidaan dhammaanteen ka wada warqabno waxaa jira xanuunno badan oo ku soo korodhay adduunka, kuwaasoo dhibaato caafimaad darro oo baahsan ku haya bulshooyinka caalamka ee aynu ka-midka nahay, Xanuunnadaasna waxa ugu horreeya xanuunka magiciisa la yidhaahdo HIV/AIDS, kaasoo markii u horraysay la ogaaday 1980-kii. Illaa waqtigaas mar-ba marka ka danbaysa adduunka ayuu ku sii fidayay xanuunkani”ayuu madaxweynuhu ku bilaabay hadalkiisa uu ka jeediyey xarunta Hay’ada xakameynta cudurkan ee magaalaadda Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “waxay dunidu samaysay dedaalo fara badan oo taagteeda iyo tamarteedaba ay isugu geysey sidii xanuunkan wax looga qaban lahaa, waxaana la sameeyey Laan Qaramada Midoobay u qaabilsan xanuunkan, Magaceedana la yidhaahdo UNAIDS”

Madaxweynuhu wxuu sheegay in Somaliland markii ugu horeysay cudurkaasi lagu arkay 1992-kii. Sidaa darteed, waxa uu xusay in ay daruuri noqotay in la sameeyo xarun la dagalanta faafinta cudurkaasi.

“Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan "marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay" iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaa lagama maarmaan ah in aynnu Dhammaan awoodda isugu gayno wax ka-qabashada xanuunkan”ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha oo hadaliisa sii wata wuxuu yidhi “markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha, waxaan jeclaystay in aan Maanta baaqan u diro bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynnu ka faraxalanno xanuunkan”.

“Anigoo Maanka ku haya xilka qarankan iga saaran isla markaana ah Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka (SOLNAC) waxaan rabaa in aan bulshada reer Somaliland iyo ta caalamkaba u muujiyo sida aan diyaarka ugu ahay qof-ahaan iyo Xukuumad ahaanba inaan qaybta ugu weyn ka qaato la dagaallanka iyo wax-ka-qabasahda xanuunka AIDs-ka”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaanu soo jeediyey toddoba qodob oo uu doonayo si uu yareeyo xanuunkan inuu qaado, waxayna kala yihiin qodaban:

1.    Waxaan Miisaaniyadda Qaranka ee 2014-ka ugu daraynnaa annagoo ka duulaynna awooddeena dhaqaale inta ugu badan ee suuro gal ah, waxna lagaga qaban karo dedaalka aynu ugu jiro la-dagaallanka xanuunkan AIDS-ka si sannadkan tallaabooyin muuqda loo qaado.

2.    Waxan fududaynaynaa sidii loo Gaadhi lahaa dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland gaar ahaan kuwa halista badan laga filan karo si loo helo xog sugan oo waddanka oo dhan ah.

3.    Waxan farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka inay Idaacadda iyo TV-ga qarankaba ka siiso waqti ku filan ka-wacyigelinta bulshada xanuunkan, gacan buuxdana ka siiso Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka.

4.    Waxaan farayaa Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo cidkastoo awood u lehba inay Mucaawinooyinka dalka soo gaadha si muuqata uga taageerto dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka sidii horeba Xukuumaddu u samaysay.

5.    Waxan farayaa Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka iyo saaxiibbadooda kala shaqeeya hawshan inay ku dhiiri-galiyaan oo u sheegaan dadka in aanay ceeb ahayn in la iska baadho xanuunka, taasoo loo baahan yahay in ay hormood ka noqdaan Madaxda Dawladda, Culimada, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada waaweyn.

6.    Waxan ka codsanayaa ganacsatada reer Somaliland inay gacan ka gaystaan wax-ka-qabashada xanuunkan cid waliba qaadi karto isla markaana ay caawiyaan walaalahooda la nool xanuunkan.

7.    Waxan ka codsanayaa hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh wax-ka-qabashada xanuunkan inay laban-laabaan dadaalka iyo kaalmada ay ku bixiyaan la-tacaalista xanuunkan. Waxaan idinka rajaynayaa in aad iskaashi iyo wada shaqayn buuxda ka yeelataan hay’adda ku shaqada leh ee qaranka u qaabilsan

Sidoo kale, waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha fulinta ee guddidan la dagaalanka HIV/AIDS Prof:Cabdi Cali oo madaxweynaha uga warbixiyey halka uu Somaliland ka marayo cudurkaasi iyo talaabooyinka muhiimka ah ee la qaadi karo si loo xakameeyo cudurkan.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
8/25/2013 2:06 PM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyadii ka qaybgalay doorashadii madaxweynenimo ee Soomaaliya ee dhacday sannadkii hore ee 2012 ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah ku dhaliilay wax-qabadka madaxda dowladda Soomaaliya.

8/25/2013 12:38 PM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shirka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga socda ergooyinka ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhinacyadu ay ku heshiiyeen dhowr qodob, balse ay weli jiraan kuwo la isku mari la’yahay.

8/25/2013 10:45 AM EST
Axad, August 25, 2013(HOL) :- Xildhibaan C/rashiid Max’ed xidig oo katirsan mudanayaasha baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo kulan kula qaatay odoyaasha beesha Jareer weeyne ee degta gobollada Jubooyinka.

8/25/2013 9:15 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda Somaliland ku canaantay wax ka qabasho la’aanta dooxyadda dul mara Wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa, kaas oo galaaftay nolosha qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland oo uu u dambeeyey Suldaan Bare Shire oo dhawr cisho ka hor uu qaatay dooxaasi.

8/25/2013 8:48 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Taliyihii guutada labaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Cali Guure Afdhuub ayaa lagu aasay maanta oo Axad ah gudaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu u dhintay dhaawac u geystay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo isbaato ay u taallay.

8/25/2013 8:37 AM EST
Sabti, August 24, 2013(HOL)—Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin badan oo ka kala ytimid dalalka Geeska Afrika ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay ka soo baxday natiijo muhiim ah oo

8/25/2013 7:56 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacay diyaarad saaka ka qaaday wafdi ka tirsan saraakiisha milateriga dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaaca oo si khaldan ugu dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Guri-ceel ee gobolka Galguduud.

8/25/2013 6:56 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Ninkan oo kasoo baxsaday saldhigga booliska degmada Bacaad-weyn ee gobolka Mudug ayaa diley labo qof isagoo dhawacay qof kale.

8/25/2013 6:52 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed sida culummaa'uddiinka, odayaasha, dhallinyarada, haweenka, xildhibaannada baarlamaanka qaarkood iyo qurbo-joog kana dhacay hoteelka Jaziira ee Muqdisho ayaa waxaa lagu taageeray go'aankii 22-kii bishaan kasoo baxay golaha wasiirrada dowladda Somalia ee lagu dalbanayay in xayiraada laga qaado ganacsade Axmad Cali Jimcaale.

8/25/2013 6:20 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Sheekh Maxamed oo ah guddoomiyaha ugu sarreeyo maxkamadda degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa laba habeen oo isku xigta waxaa guriga uu ka daggan yahay degmadaas lagu weeraray bam-gacmeed.

8/25/2013 6:12 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka bilaabay xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne howlgal isugu jiray nidaamka deriseynta iyo tirkoob lagu sameynayo tirada dadka ku dhaqan xaafaddaha magaalada.

8/25/2013 2:52 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Inkastoo wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ay ahaayeen kuwo aanay warar badan kasoo baxayn ayaa haddana waxaa la sheegay in shalay gellinkii dambe lagu kala dareeray.

8/25/2013 2:11 AM EST
Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee Masar ayaa maanta oo Axad ah dhegeysaneysa dacwad ka dhan ah saddex kamid ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kuwaas oo kala ah hoggaamiyaha guud ee ururka Muxammad Badiic iyo labo nin oo ku-xigeeno u ah, laguna kala magacaabo Kheyrat Shaadir iyo Rashaad Biyuumi.