4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2013
Maxkamadda Sare ee Masar oo billaabaysa Dhegeysiga dacwad ka dhan ah hoggaamiyeyaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin


Axad, August 25, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee Masar ayaa maanta oo Axad ah dhegeysaneysa dacwad ka dhan ah saddex kamid ah hoggaamiyeyaasha sar-sare ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka, kuwaas oo kala ah hoggaamiyaha guud ee ururka Muxammad Badiic iyo labo nin oo ku-xigeeno u ah, laguna kala magacaabo Kheyrat Shaadir iyo Rashaad Biyuumi.

Raggan oo lagu eedeeyey in ay ka qayb qaateen rabshado uu dhiig ku daatay oo dalka Masar ka dhacay, kaddib markii ay mileterigu xukunka ka tuureen madaxweyne Mursi, ayaa lagu soo warramayaa in aysan kasoo hor muuqan doonin maxkamadda.

Maxkamadeynta hogaamiyeyasha ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa bilaabmeysa saddex beri kaddib markii xabsiga laga sii daayey madaxweynihii kacdoonka dadweyne xilka looga ridey ee Xusni Mubaarak, kaas oo xabsiga la dhigay bishii April ee sanadkii 2011.

Maxkamadda sare ee Masar ayaa ogolaatay in la sii daayo Mubaarak oo horay logu ridey xukun ah xabsi daa'im, isagoo ku eedeysnaa in uu amar ku bixiyey dilka dad mudaaharaadayaal ah, xilligii uu socdey kacdoonkii isaga xilka looga tuuray.

Dowladda KMG ah ee Masar ee ay militerigu dabada ka riixayaan, waxay ururka Ikhwaanka iyo ururrada kale ee Islaamiga ahba horay ugu tilmaantay in ay yihiin kuwo argagaxiso ah, islamarkaana ku howlan khalkhal gelinta ammaanka iyo xasiloonida dalka Masar.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka Masar ayaa weli ah mid cakiran, waxaana sii socda mudaaraadyada ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Muxammad Mursi, kaasoo afgembi militeri xilka looga qaaday, ilaa iyo haddana aan la ogeyn halka ay ciidamadu ku hayaan.

Dowlado badan oo ku tirsan midowga Yurub ayaa mar sii horeysey shaaciyey in ay jari doonaan taageeradii ay siin jireen dalka Masar, iyadoo qaar kale oo Maraykanku uu qayb ka yahayna ay sheegeen in ay ka fiirsan doonaan sii wadista taageerada dowladda Masar.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland