3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Shirkii 12aad ee dalalka Geeska Afrika oo saaka ka furmay Magaalada Lund ee dalka Sweden (SAWIRRO)


Jimco, August 23, 2013(HOL)—Waxaa saaka ka furmay magaalada Lund ee dalka Sweden shirkii sanadlaha ahaa ee Dalalka Geeska Afrika, waxaana ka soo qeybgalay shirka dad badan oo ka yimid meelo kala duwan oo caalamka.

 

Shirka sanadkan ayaa wuxuu ku saabsan yahay  Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka Geeska Afika, wuxuuna socon doonaa labo maalmood, iyadoo marka uu shirka dhammaadana laga soo saari doono buug sida ay shirarkii midkan ka horreeyay oo kale. Dalalka uu arrimaha shirkan ku saabsan yahay ayaa kala ah Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Somalia, Sudan iyo South Sudan.

 

Shirka waxaa furay C/llaahi Cilmi Maxamed oo ah Cilmi-baare gobolka Geeska Afrika wuxuuna faahfaahin ka bixiyay shirka Lund iyo sanadihii la soo qabanayay laga soo billaabo sanadkii 2002 illaa sanadkan 2013. Wuxuu  xusay in sanad kasta shirka looga hadlayay arrimo kala duwan oo khuseeya dalalka Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale wuxuu ka hadlay kheyraadka ay leeyihiin dalalka gobolka iyo dhibaatada ay ku jiraan iyagoo kheyraadkaas leh.

 


Prof. Arne Ardeberg  oo ah ku xigeenkii hore ee Jaamacadda Lund ayaa shirka ka hadlay, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka kheyraadka dalalka gobolka, wuxuuna kheyraadkaas ka soo qaatay dahabka, qalinka, macdanta, shidaalka, tamarta korontada ee laga dhaliyo qorraxda iyo dabeysha iyo kuwo kale. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafaadka ka dhasha kheyraadkaas ku jira dalalka gobolka.

 

Wuxuu sheegay Prof. Arne in Afrika ay mustaqbalka geleyso barwaaqo, sida bawaaqadaas loo gaarana wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo nabad, maamul wanaag iyo dimoqraadiyad, “Waa sanadkii 12aad oo aan halkan (Lund) ku kulmeyno, waana muhiim in aan wada hadalno, ka doodno arrimaha gobolka sidaasoo ay tahay ficilna waa loo baahan yahay”ayuu yiri Prof. Arne Ardeberg.

 

Ku xigeenka Duqa Magaalada Lund Mr. Jörgan Forsberg ayaa isna furitaanka shirka ka hadlay, wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay dadka ka soo qeybgalay shirka, wuxuuna sheegay in Shirka dalalka gobolka Geeska Afrika lagu qabanayo sanadkii 12aad  Lund, wuxuuna caddeeyay in ay taasi sharaf u tahay Magaalada Lund.

 

Wuxuu soo qaatay siyaasiyiintii Sweden ee maalmo ka hor lagu weeraray Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Dowladda Sweden aad uga xun tahay dilkii Abdirahim Hassan iyo dhaawacii Ann-Margarethe Livh Muqdisho loogu geystay.

 

Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan  Afrika ayaa shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in Waddamada Gobolka dhibaatooyinka soo gaara ay ka mid yihiin maamul xumo, dimoqraadiyad oo aan jirin, ku tartan awoodda ah, isku dhacyo xuduudeed iyo abaaro soo noqnoqday, kuwaasi oo gobolka dhigay mid dadkiisa ay dhibaatooyin ku jiraan muddo dheer.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE


Waddamada Gobolka qaarkood ayuu sheegay in ay horumarka sameynayaan meelaha qaarkood wuxuuna soo qaatay Soomaaliya oo uu xusay in ay Kumeel-gaarnimadii ka baxday, sidoo kalena dhinaca ammaanka wax laga qabtay, inkastoo uu sheegay in aanu weli ammaanka ahayn mid la isku halleyn karo.

 

Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto ayuu sheegay Danjire Per Lindgärde in loo baahan yahay in dib loo eego Dastuurka Soomaaliya si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho waddanka ka dhacda sanadka 2016.

 

Arrin kale oo muhiim ah ayuu ka dhawaajiyay Danjire Per Lindgärde, wuxuuna xusay in dowladda Sweden ay sanad kasta ku bixin doonto Soomaaliya lacag dhan 300 Milyan oo lacagta Sweden ah, taasi oo ay uga qeybqaadaneyso dib u dhiska dalka. Dowladda Sweden ayuu sidoo kale xusay in ay Sweden markii ugu horreysay safiir u magacawday Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.

 

Waddamada Sudan iyo Koofurta Suudaan ayuu soo qaatay wuxuuna xusay in inkastoo ay Koofurta Suudaan u dabaal-degtay sanadguuradeedii labaad ee madax-bannaanideeda haddana in ay weli jiraan khilaafaadyo u dhaxeeya, kuwaasi oo uu rajeeyay in xal laga gaaro.

 

Gustaf Ödqvuist oo ka socday Machadka Nabadda iyo Nolosha ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, wuxuuna ka hadlay xaaladda ay hadda ku sugan tahay Soomaaliya, gaar ahaan nabadda, wuxuuna sheegay in inkastoo Al-shabaab awooddoodii ay meesha ka baxday haddana ay fursad u heli karaan in ay weeraraan saldhigyada dowladda iyo kuwa Amisom.

 

Si nabad loogu helo Soomaaliya ayuu Machadkiisu soo jeediyay in la abaabulo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la sameeyo wacyigelin ku aaddan nabadda, iyadoo maanka lagu hayo in fowdada uu waqtiga dheer ku soo jiray Soomaaliya. Wuxuu sheegay in hay’ado maxalli ah oo ka howlgala Soomaaliya ay xiriir la leeyihiin, kuwaasi oo hadda ka shaqeeya xal-u-helidda mushkiladda Soomaaliya. Ugu dambeyntiina  isagoo fursadda la siiyay ka faa’iideysanaya wuxuu ku carrabka ka dhuftay in loo baahan yahay in fursad la siiyo nabadda kaddib muddo dheer uu dalka Soomaaliiya khalalaase ku soo jiray.

 

Shirkan oo uu sanad kasta qabto Ururka SIRC  ayaa waxaa qabsoomiddiisa gacan weyn ka geysaty Jaamacadda Lund, Degmada Lund, Jaamacadda Dadka, Akadeemiyada Bernadotte iyo UNA-Sweden. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa maalinta berri ah la soo gebagebeyn doonaan.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
8/23/2013 10:58 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ah ee Lund, kaasi oo sanad kasta loo qabto dalalka Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka ay dalalka la deriska ah ku leeyihiin xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

8/23/2013 9:38 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya ergooyin ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dhowr jeer uu ku sigtay inuu burburo.

8/23/2013 6:20 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (46 Milyan Doollar) illaa sanadka 2017.

8/23/2013 3:06 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa ka digay weerarro Al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la lehi ay ka geystaan magaalada Mombassa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Kenya, iyadoo dadka ku nool 70% ay yihiin muslimiin.

8/23/2013 2:36 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.