3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Booliiska Kenya oo ka digey weerarro laga geysto Mombassa


Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa ka digay weerarro Al-shabaab iyo kooxaha xiriirka la lehi ay ka geystaan magaalada Mombassa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Kenya, iyadoo dadka ku nool 70% ay yihiin muslimiin.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarradani ay yihiin kuwo la doonayo in loogu aargudo, Sheekh Cabuud Rogo oo 27-kii bishii Ogoosto ee sannadkii hore lagu dilay magaalada Mombassa, taasoo keentay inay gasho magaaladaas deggenaasho la’aan maalmo socotay.

“Waxaan helnay warar sirdoon oo sheegaya in Al-shabaab iyo kooxaha ay xiriirka leeyihiin ay qorsheynayaan weerarro ay ka geystaan magaalada Mombassa, kuwaasoo xiriir la leh dilkii Sheekh Abuud Rogo,” ayuu yiri taliyaha booliiska Mombassa, Robert Kitur oo la hadlay warbaahinta.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Digniinteennna waxay si gaar ah ugu wajahan tahay todobaadka soo socda, maxaa yeelay waa markii sannad ka hor uu dhacay dilkii Sheekh Rogo.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in heegan la geliyay ciidamada ku sugan Mombassa isla markaana laga mamnuucay taageerayaashii Sheekh Rogo inay dhigaan dibadbaxyo ay ku xusuusanayaan.

Muslimiin badan ayaa ku eedeeya dilka Sheekh Rogo inay ka dambeyso dowladda Kenya, inkastoo dowladduna ay iska riixday, waxaana Sheekhan la dilay isagoo wata gaari ayna la socdaan xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mombasa ayaa xilligan ah magaalo ay ka socdaan howlo badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si KMG ah ay u isticmaalayaan diyaaradihii ku degi jiray garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta oo horraantii bishan uu dab xoogan ka kacay qaybta koowaad ee garoonka.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa dalkaas ka dhacayay dilal qorsheysan, qaraxyo iyo falal kale oo kasoo horjeeda ammaanka, waxaana mas’uuliyadda qaar ka mid ah sheegatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/23/2013 10:58 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ah ee Lund, kaasi oo sanad kasta loo qabto dalalka Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka ay dalalka la deriska ah ku leeyihiin xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

8/23/2013 9:38 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Wadahadallo u dhexeeya ergooyin ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dhowr jeer uu ku sigtay inuu burburo.

8/23/2013 8:09 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Waxaa saaka ka furmay magaalada Lund ee dalka Sweden shirkii sanadlaha ahaa ee Dalalka Geeska Afrika, waxaana ka soo qeybgalay shirka dad badan oo ka yimid meelo kala duwan oo caalamka.

8/23/2013 6:20 AM EST
Jimco, August 23, 2013(HOL)—Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (46 Milyan Doollar) illaa sanadka 2017.

8/23/2013 2:36 AM EST
Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.