4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Dood looga Hadlayay kaalinta Haweenka ku yeelan karaan sugidda Amniga oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ayna ka qaybgaleen ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kan haweenka gobolka banaadir iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dooddan oo halku-dhiggeedu ahaa kaalinta haweenku ka qaadan karaan dib u soo celinta ammaanka iyo horumarka dalka, iyadoo laga soo saaray dhowr talo oo ku saabsan habka lagu sugi karo amniga caasimadda.

Ugu horreyn, waxaa ka hadashay guddoomiyaha haweenka maamulka gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab oo sheegtay in loo baahan yahay in haweenku ay horseed ka noqdeen nabad ku soo dabaalidda dalka, waxayna xustay in haddii la sugo ammaanka Muqdisho, gobollada dalkana ay hagaagayaan.

“Caqabadaha badan ee ka jira Muqdisho haddii laga gudbo dalka oo dhan waa xasilayaa, waayo Muqdisho waa maskaxda dalka, kuwa beegsanaya waxgalka bulshada waa in la iska qabtaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale, Jawaahir ayaa sheegtay in sababaha loo beegsanayo haweenka ay tahay in la cabsi-geliyo, iyadoo tilmaamtay in qof walba saacad iyo waqti go'an ay leedahay, waxayna  ku baaqday in looga bixi karo dhibatada isku xirnaan iyo wacyi-gelin joogto ah oo la sameeyo.

"Sababta loo dilayo haweenka waa inay gabdhaha kale baqaan, saacad iyo waqti go'an ayuu leeyahay qofka, isku xirnaan iyo wacyi-gelinna waa in la sameeyo, taasaana looga bixi karaa dhibaatada jirta, waa inaan noqonaa sidii milateri, boolis iyo nabadsugid - mar haddii naloo diiday nolol waxaan qabaa inaan ku qasbanahay inaan difaacu nafsi sameyno," aya hadalkeeda ku dartay guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi ayaa iyadana sheegtay in loo baahan yahay in ammaanka lagu bixiyo 75% dhaqaalaha dalka, isla markaana degmo walba ay isku xirtaa waaxyaha iyo tabeelooyinka.

"Haddaan ammaanka la iska xilsaarin oo aan annaga qaybta ugu weyn ka qaadan wax kasta ayaa dhici kara, waxaa dowladda ka codsaneynaa inay amniga 75% dhaqaalaha dalka ku bixiso, degmo walba la xoojiyo dariseynta, waaxyaha iyo tabeelooyinka,” ayuu yiri Canab Xasan.

Canab Xasan ayaa caddeysay in loo baahay in shacabka iyo ciidanku inay isku xirmaan, cid kasta oo aragta kuwo wax u dhimaya ammaanka ay kusoo wargeliyaan laamaha ammaanka, isla markaaa aysan cabsan, waayo naf walba maaliteeda ayay go’aysaa.

Dhanka kale, guddoomiyaha haweenka CCD, Sahro Maxamuud Amiin ayaa sheegtay in sida kaliya ee amniga lagu horumarin karo ay tahay in shacabka is kaashado, gacmo wadajir ahna wax ku wada-qabtaan, si dalka nabaddu ugu soo laabato.

Waxaa kaloo dood-cilmiyeedka ka hadlay qaar ka mid ah haweenka u dhaq-dhaqaaqa bulshada, kuwaasoo xusay inay haweenka degmooyinka gobolka Banaadir iska kaashaadaan sugidda amniga degmo walba, aysanna cabsan, waayo cabsi waxay keentaa tafaraaruq iyo gabasho.

Ugu dambeyn, waxaa lagu soo bandhigay doodad suugaan, heeso waddani ah oo lagu dhiirrigelinayo haweenka loogu baaqayo inay xoogga saaraan sidii lagu sugi lahaa ammaanka, waxayna is-weydaarsadeen talooyin iyo fikrado la xiriira sida ammaanka lagu sugi karo, looga qayb-qaadan karo wacyi-gelinta bulshada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya