4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Golaha Amaanka oo Cambaareeyay Duqeyntii Dadka badani ku Dhinteen ee Suuriya kuna baaqay in baaritaan lagu sameeyo


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) —Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo isugu yimid kulan aan caadi ahayn, ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo duqeyn loo adeegsadey gantaalaha xambaara kiimikada sunta ah, oo shalay ka dhacday deegaanka Qowdah oo ku yaalla duleedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Ergeyga dowladda Arjantiin u jooga Qaramada Midoobey, Maariyaa Kiristiina, xiliganna haysa xilka meertada ah ee madaxtinimada Golaha Ammaanka, ayaa sheegtay in goluhu uu si wada jir ah u cambaareeyey falkan.

"Dowladaha xubnaha ka ah Galaha Ammaanku waxay isku raaceen in ay sharci darro tahay adeegsiga hubka kiimikada...waxaa laysla qaatay in arintan sida ugu dhaqsaha badan loo baaro, gaargaar degdeg ahna lala gaaro dadka ay waxyeeladu kasoo gaartey" Mariya Kiristiina ayaa tiri.

Kulankan oo ay codsadeen 5-dal oo Marayknka, Ingiriiska iyo Faransiisku ay ku jiraan, waxaa intii uu socdey dowladaha qaar ay soo jeediyeen in sida ugu dhaqsaha badan baareyaal Qaramada Midoobey ka socda deegaanka Qowdah loogu diro, inkasta oo Ruushka iyo Shiinuhu ay arintan is-hor-taag ku sameeyeen.

Duqeyntan ayaa galaafatay nolosha ku dhowaad kun qof oo ay ku jireen caruur aad u da'yar iyo dumar. Golaha Kacdoonka ee Suuriya oo dagaal kula jira xukuumadda Bashaar Al-asad, ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay lix gantaal deegaanka Qowdah goor hore oo shalay ahayd kusoo rideen.

Dowladda Suuriya ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeyntan, iyadoo sheegtay inay tahay mid la doonayo in magaca looga xumeeyo Suuriyo, islamarkaana lagu daboolayo guul darrada kooxaha dowladda ku kacsan, waa sida hadalka loo dhigaye.

Dhinacyada ku dagaalamaya Suuriya ayaa mar sii horeysey la sheegey in ay sidan oo kale adeegsadeen hubka kiimikada ah, waxaana dalkaas todobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa baareyaal ay Qaramada Midoobey u dirtay si ay arintaas ugu kuur galaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya