4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Hay’ada bisha cas ee dalka Turkiga oo gargaar raashin ah geysay degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Mas’uulka bisha cas ee dalka Turkiga u jooga Soomaaliya oo horkacaya kolanyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin raashin ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Raashinkan ayaa sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan dhamaan 500 oo tan ama 10,000 oo loor kaasoo loogu tala-galay gobolka Sool ayna u qaybiyeen sida uu sheegay sidii hay’adda bisha cas ee Turkigu ugu talagashay.

Madaxa bisha Cas ee Turkiga, Mujahit Duran ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay isugu mid tahay oo ay gaarsiinayaan gargaarka, kaddib markii uu si gaar ah ula kulmay odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanno aysan ka talin Somaliland.

Sheekh Aadan Weli Cabdi Xuseen oo madax u ahaa odayaal la sheegay inay gaadhsiin doonaan 250 tan degmada Taleex iyo Boocame ayaa si aad ah ugu mahad-celiyey dowladda Turkiga iyo ururka bisha case e dalkaas.

Raashinkan ayaa qayb ka ahaa raashin uu maamulka Puntland horay uga celiyay dekedda magaalada Boosaaso, kaasoo degmada Taleex, Isku-shuban iyo Galdogob loo waday, waxaana dadka badakiisu isha ku hayaan sida laga yeelo raashinka loo gudbinayo degaanada maamulka Khaatumo ka taliyo oo fari ku godan tahay, isla markaana aanay la socon mas’uuliyiintii bisha cas.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya