4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Gaaray Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe [SAWIRRO]

Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha deeqaha bani’aadamnimo ee Somaaliya Philippe Lazzarini, ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay kula kulmeen maamulka iyo waxgaradka degmada.

Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa ku tagay Jowhar diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah, ciidamadii ilaalada u ahaa wefdigan ayaa iyagu dhulka maray si ay ammaanka wafdiga u sugaan.

Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa kaddib markii ay Jowhar gaareen, waxay billaabeen inay la kulmaan madaxda gobolka iyo kuwa degmada iyagoo kala hadlay xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka gobolkaas ku nool iyo xaaladda ammaan ee degmada iyo midda gobolka.

Xubno ka tisran maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay in wafdigu ay u sheegeen inay gacan ka geysanayaan ka hortagga fatahaadaha webiga iyo inay buuxin doonaan kaalintii haya’dda MSF ay banneysay.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay markii ay wafdigani gaareen, iyadoo gudaha degmada lagu arkayay ciidammo fara badan oo ku sugan waddooyinka muhiimka ah.

Wafdigan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay ka scoda oo gaara degmada Jowhar tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmadaas sannadkii hore.

Booqashada wefdigan ayaa imaaneysa iyadoo degmada Jowhar uu shalay ka dhacay dibadbax lagu muujinayey sida ay dadka degmadaasi uga xun yihiin go’aankii ay MSF ku joojisey howlihii caafimaad ee ay ka haysay degmadaas iyo guud ahaan Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya