3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Dowladda Turkiga oo Soo Gabagabeysey Wejigii 1-aad ee Howlaha Samafalka Soomaaliya iyo Wejiga Labaad oo Dhowaan Bilaabmaya

506.9 million TL collected in Turkey for Somalia as aid
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka billaabayso Soomaaliya wajigii labaad ee howlaha samafalka ah ee ay ka waddo Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad uu soo gabagaboobey.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga, Baker Buzdag oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ankara, ayaa sheegay in wajiga labaad ee howgalkooda Soomaaliya uu noqon doono mid ay Soomaaliya uga caawinayaan sidii ay lugaheeda isugu taagi lahayd.

“Turkigu waxay ka caawinayaan Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid tahay bani’aadamnimada iyo dib u dhiska. Waxaana dhaqaalaha ku baxaya soo ururiyay shacabka Turkiga,” Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Sidoo kale, Baker Buzdag ayaa tilmaamay in safarkii uu laba sano ka hor ra'iisul wasaaraha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan  uu ku tegey dalka Soomaaliya uu ahaa mid taariikhi ah, kaasoo dhabbaha u xaaray in Soomaaliya ay gargaar bani’aadanimo ka hesho Turkiga iyo caalamka intiisa kale.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Turkigu wuxuu hoosta ka xarriiqay, in xilligan aysan jirin cid Soomaaliya ugu dhimanaysa macaluul iyo dawo la’aan, taas awgeedna ay wajigii hore ee howlgalkooda soo gabagabeynayaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in gargaarkii ay siiyeen Soomaaliya ay ku baxday lacag aad u fara badan, isagoo xusay in dowladda Turkiga ay xilligan Soomaaliya ugu talo gashay dhaqaale gaaraya 506.9 milyan oo liiraha Turkiga ah.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ammaanka xarumaha ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya sida safaaraddooda aad loo adkeeyey, islamarkaana ay ilaalo xoogan ka hayaan  ciidammo ka tirsan kuwa Soomaaliya iyo kuwo ay dowladda Turkiga u dirtay Soomaaliya.

Howlaha samafal ee Turkigu ay kawadaan Soomaaliya ayaa billowday xilli ay Soomaaliya ka jirtay macaluul ka dhalatay abaaro ku dhuftay gobollada dalka Soomaaliya qaarkood, gaar ahaan kuwa Koonfureed, markaasoo dad badan ay kusoo barakaceen Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/20/2013 1:48 PM EST
alaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo kusoo xirtay markab sida raashin gargaar ah oo ka yimid dalka Turkiga, kaasoo loogu talo galay in loo qeybiyo dadka danta yar ee ku dhaqan gobollada Jubbooyinka.

8/20/2013 11:06 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo xiriiriyaha deeqaha bani’aadamnimo ee Somaaliya Philippe Lazzarini, ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay kula kulmeen maamulka iyo waxgaradka degmada.

8/20/2013 10:59 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka furmay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, Shir-weyne loogu magac daray (Shirweynaha dhaqanka iyo wada tashiga beesha Xawaadle ee Samadoon) kaasoo uu horay ugu baaqay Ugaaska guud ee beesha Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, bilihii ugu dambeeyeyna ay qaban qaabadiisu socotey.

8/20/2013 8:16 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa sheegay in hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiiin, Maxamed Badiic la xiray maanta oo Salaaso ah, kaddib isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

8/20/2013 7:29 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Baakistaan ayaa maanta oo Salaasa ah si rasmi ah ugu eedeysay madaxweynihii hore ee dalkaas Berefeez Musharraf in uu ka dambeeyey dilkii Benaziir Bahuto.

8/20/2013 7:25 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) —Kulankan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ah mid looga wada tashanayo ka qaybgalka Soomaaliya ee shirka New Deal (Hiigsiga Cusub) kaasoo bisha soo socota ee September ka dhici doona caasimadda Biljamka ee Brussels. Kulanka waxaa si wada jir ah u furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim iyo madaxweynaha maamul goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

8/20/2013 3:37 AM EST
Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa ka hadashay markii ugu horreysay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar, kuwaasoo ka dhashay muran dhinaca hoggaanka dalkaas ah.