4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2013
Kulan looga hadlayay qaabka ugu habboon ee lagu Hormarin karo dhaqanka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, August 18, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida ugu haboon ee lagu hormarin karo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay kasoo qayb galeen madax kala duwan oo kuwa dhaqanka Soomaaliyeed ah.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax-dhaqameedyada, iyagoo is-tusay sida ugu habboon ee loo hormarin karo dhaqanka, dib boorkana looga jafi karo si loosoo celiyo anshaxii iyo asluub-wanaaggii lagu yaqiinnay.

Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay Iimaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in dhaqanka Soomaalida uu bulshada dhexdeeda ku lahaa sharaf iyo maamuus wanaagsan, isagoo tilmaamay in labaatankii sano ee dalka dowlad la'aanta ka jirta dhaqanka uu hoggaan u ahaa bulshada, marka ay dhacaan dhibaatooyin ama colaad inuu ku bixi jiray.

Iimaam Maxamed Yuusuf ayaa ku baaqay in odayaasha ay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaana colaadda la joojiyo, isgaoo soo dhaweeyay in la siiyo fursad noocan oo kale oo lagu dhiirrigelinayo dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha dhaqanka ee odayaasha gobolka Banaadir, Sheekh C/llaahi Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dhaqanka uu leeyahay door aan la illoobi karin, isla markaana bulshada uu ku leeyahay qiima weyn, isagoo intaas ku daray in odayaasha dhaqanka ay yihiin hoggaamiyeyaasha bulshada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhaqanka Soomaaliyed looga baahan yahay inay isku xirnaadaan, isla markaana 18-ka gobol ee dalkan ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso odayaasha dhaqanka, ayna hormuud u noqdaan sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka hogaamiyeyaasha dhaqanka.

Sheekh Axmed Abuukar Gaabow (Sh. Axmed Dheere) oo dood-cilmiyeedka ka hadlay ayaa sheegay in dhaqankii hore iyo dhaqanka maanta uu farqi weyn u dhaxeeyo, isla markaana dhaqankii hore uu ahaa mid door-weyn ka soo qaatay halgankii dalka ee gobonimo doonka ah.

Nabaddoon Mahad Axmed Xaashi ayaa sheegay in odayaasha iyo culumada ay ahaayeen dadka looga dambeeyay dhaqanka iyo diinta, isla markaana ay ahaayeen ahlu-xal wal-caqda, isagoo xusay in odayaasha dhaqanka ee ku sugan Koonfurta iyo gobollada in aanay isku xirneyn, loona baahan yahay in la sameeyo xiriir toos ah si ay u wada-shaqeeyaan.

Intii uu socday dood-cilmiyeedka ayaa odayaashii dhaqanka iyo madaxda dhaqanka waxay is weydaarsadeen fikrado iyo talooyin ku qotoma dhaqanka iyo heerka uu maanta marayo, waxayna isla garteen qodobbo wax ku ool ah oo lagu hormarin karo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dib boorka looga jafi karo.

Ugu dambeyn, duubabkii dhaqanka ee ka qayb-galay dood-cilmiyeedka ayaa uga mahad-celiyay hay'adda CCD sida ay mar walba uga warqabto, isla markaana kulamada ceynkan oo kale ah ay isugu yeerto uu yahay mid ka qayb-qaadanaya horumarinta iyo xasiloonida dalka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya