4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2013
Injinneerkii guud ee Farsamada u qaabilsanaa Raadiyo Muqdisho oo Maanta lagu dilay Degmada Shibbis ee Magaalada Muqdisho

Sabti, August 17, 2013 (HOL) — Kooxo ku hubeysanaa bastoolado ayaa ku dilay maanta degmada Shibbis ee magaalada Muqdisho injineerkii guud ee Raadiyo Muqdisho iyo telefishinka Qaranka, Axmed Shariif Xuseen xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tisran Al-shabaab, iyagoo xusay in kuwii dilay ay yihiin kuwo kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya iyo horumarka ay sameysay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

“Axmed Shariif wuxuu ahaa farsamo-yaqaanka Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka SNTV, waxaana dilay koox dhagar-qabayaal ah isagoo caruurtiisa la jooga,” ayuu yiri agaasimaha Radio Muqdisho, Sheekh C/raxiin Ciise Caddoow.

Sidoo kale, Sheekh C/raxiin Ciise wuxuu sheegay in marxuumka uu ifka uga tagay lix caruur ah iyo xaas uu leh. Isagoo Alle ka baryay inuu caruurtiisa u barakeeyo. Wuxuuna dilkiisa ku sheegay inuu ahaa mid aad looga naxo oo loo geystay ruux wax-tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Radio Muqdisho ayaa sheegay in Inj. Axmed Shariif horay uga shaqeyn jiray Raadiyaha haddana uu ahaa farsamo-yaqaanka guud, sidoo kalena uu ahaa ruux aqoon fiican u lahaa cillad-bixinta gaadiidka iyo dabka.

Isla maanta ayaa lagu aasay marxuumka magaalada Muqdisho, iyadoo ay si fudud ku baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkiisa. Isagoo noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo ka tirsan Radio Muqdisho oo sannadkan Muqdisho lagu dilo.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda ayaa sheegay in howlaha idaacaddu aysan u joogsan doonin dilalka noocan oo kale ah ee loo geysanayo shaqaalaha idaacadda iyo telefishinka Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya