4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Munaasabad ay xilalka kula kala Wareegayeen Maamulkii Hore iyo kan cusub ee Gobolka Hiiraan oo ka dhacday Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimaya oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baladweyne, mas’uuliyiinta hore ee maamulka gobollka Hiiraan, maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka, saraakiisha ciidamada dowladda, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Munaasabada oo aheyd mid ay xilalka kula kala wareegayeen maamulkii hore ee gobollka Hiiraan iyo kan cusub ee dowladda u soo magacaawday ayaa waxaa ka hadllay ugu horeyn wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Jaamac Axmed  [Jaamac Oday] oo kaga dhawaaqay munaasabada maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka oo uu guddoomiye ka yahay Cabdi Faarax Laqanyo, waxaana uu sheegay wasiir ku-xigeenka in magacaabista maamulka cusub oo ku saxiixan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay guddoomiyihiin hore ee maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo sheegay in uu raali ku yahay xil wareejinta maanta, isaga oo carabka ku dhuftay in gobollka Hiiraan uu markii ugu horeysay gobollada kale ee dalka u horseedayo nidaam-ka dimuquraadiyada, madaama sida uu hadalka u dhigay isaga oo faraxsan uu xilka ku wareejinayo mas’uulka cusub ee dowladda u soo magacaawday.



“Waxaan wanaagsan cid kasta in ah ogaato in mas’uuliyadu tahay mid wareegta oo maalinba qof kale loo dhiibayo, sidaa daraadeed anniga oo aysan jirin cid igu qasbeysa arintan ayaa hortiina ka cadeynayaa anniga oo waliba ku faraxsan in aan xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo ka mid ahaa mudanayaashii baarllamaanka Soomaaliya ee ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in uu siweyn ugu mahad cellinayo guddoomiyihii hore ee gobollka Hiiraan, waxaana uu kula dardaarmay bulshada ku dhaqan gobollka in ay la shaqeeyaan maamulka cusub.

“Bulshada waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee gobollka, maxaa yeellay waan og-nahay cid wax qaban karta malaha haddii aysan gacan ku siin bulshada, waa in ay saxaan haddii uu qalooc jirro, wixii wanaag ahna ku taageeraan,’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidow Beylle.


Xildhibaan Duniyo Max’ed Cali oo ka mid aheyd mudanayaashii baarlamaanka ee munaasabada ka hadashay ayaa siweyn uga mahad celllisay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, waxaana ay sheegtay in ay si gaar ah ku faraxsan tahay in ay goob joog ka noqonto munaasabada ay xilalka kula kala wareegayaan mas’uuliyiintii hore ee maamulka gobollka Hiiraan iyo maamulka cusub ee la soo magacaabay, waxaana ay dhinac kale mahad gaar ah u cellisay saraakiisha iyo ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

“Runtii waxaan leeyahay saraakiisha ciidamada Jabuuti waad mahadsan tihiin, waayo waxaa horteyda hadda ka muuqanaya haween Soomaaliyeed oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo dareyskoodii wata, in ay ku dhiiradaan ku biirista ciidamada sababteeda waxaa iska leh ciidamada Jabuuti runtii waan u mahad cellinayaa, sidoo kalana waxaan ugu baaqayaa bulshada gobollka Hiiraan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay,’’ ayeey tiri xildhibaan Duniyo Max’ed Cali.

Ibraahim Xabeeb Nuur oo horay u soo noqday wasiir iyo xildhibaan ka tirsanaa dowladihii ku-meel-gaarka ahaa oo ka hadllay munaasabada ayaa ku dhiiri-galliyay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan in ay meel iska dhigaan khilaafka, kana wada shaqeeyaan nabad-galyada, isaga oo fariin gaar ah u dirray shacabka reer Hiiraan.

“Waxaan rabaa in aan mar kale halkan ka sheego is qab qabsi wax micno ah malaha, laakiin waxa micnaha sameynaya waxaa oran karnaa waa in aan ka wada shaqeyno sidii loo hormarin lahaa gobollka, qeybaha hadda ka maqan ee  ku jira gacanta kooxaha argagixisad dib loogu soo cellin lahaa si loo gaaro halka aan u socno oo ah in gobollka Hiiraan marka danbe labo loo qeybiyo, waayo waad og-tihiin qorshahaas waxaa uu socdaa, laakiin waxaa ka horeeya annaga oo midowna, xooggeenana isugu geyno sidii loo gaari lahaa qeybaha ee gobollka Hiiraan,’’ ayuu yiri Ibraahim Xabeeb Nuur.

Waxaa uu Ibraahim Xabeeb mar kale ka hor sheegay dadkii ka soo qeyb-gallay munaasabada in uu jiro qorshe hadda socda oo la doonayo in gobollka Hiiraan labo gobol loogu qeybiyo, loogana baahan yahay in ay taageeraan shacabka ku dhaqan gobollka, madaama sida uu sheegay Hiiraan uu ka soo harran Sideedii gobol ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada wasiir ku-xigeenka wasaarrada maaliyada Abuukar Sheekh Cabdi, wasiir ku-xigeenka wasaarrada gashaandhiga C/raxmaan Xirsi Kulmiye, iyo xildhibaan Max’ed Max’uud Goodir.

Guddoomiyaha cusub Cabdi Faarax Laqanyo iyo xubnaha kale ee maamulka gobollka Hiiraan ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana hadal kooban oo uu jeediyay guddoomiye Cabdi Faarax Laqanyo uu sheegay in uu si guud iyo si gaar ahba kulamo ula yeellan doono qeybaha bulshada kana wada hadlli doonaan sidi ay wada shaqeyn lahaayeen, isaga oo ballan qaaday in uu ka soo bixi doonto dhaarta uu maray ee ah in uu bulshada si daacad ah ugu adeegayo.

Ugu danbeytii waxaa munaasabada soo xirray wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed oo sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay sida ay u dhacday munaasabada, islamarkaana kula dardaarmayo bulshada gobollka in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya