4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Madaxweynaha Cusub ee Kenya iyo ku Xigeenkiisa oo Xilka loo Dhaariyay iyo Odinga oo Qaadacay Xafladda (SAWIRRO)
905257_10151195344512609_826362240_o.jpg

Talaado, April 09, 2013 (HOL) - Xaflad ay kasoo qayb-galeen in ka badan 11 madaxweyne oo ka socda qaarada Afrika ayaa lagu caleema saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Xafladdan oo lagu qabtay garoonka wayn ee Kasarani Stadium ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo si diiran loo soo dhaweeyaymarkii uu goobtaas gaaray.

544960_4977196941735_668052135_n.jpg

Hogaamiyayaasha kale ee kasoo qaybgalay caleema saarka ayaa waxaa kamid ah:  Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Madaxweynaha Tanzania, Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha koonfurta Suudaan, Salva Kiir Miyaardeed, Madaxweynaha Gabon, Ali Bongo, Madaxweynaha Nigeria, Jonathan Goodluck, Madaxweynaha DRC- Congo, Joseph Kabila,  Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegn.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugan madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arab Moi oo muddo ka badan 24 sano ka talinayay Kenya.

164287_10151195580187609_1571565168_n.jpg

Madaxweynaha xilka ka dagay ee Mwai Kibaki ayaa si rasmi ah talada ugu wareejiyay Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii jamhuuriyada Kenya, isla markaana ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Kenya ay yeelato.

Kumanaan Kenyaan ah ayaa isugu tagay gagida Kasarani ee ay ka socoto xaflada, iyadoo malaayiin kalana ay guryahooda ku daawanayaan sida ay u socoto xaflada xil wareejinta.

Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay Kenyaanka inay midoobaan oo ay ka gudbaan kala qaybsanaantii ay ay keentay doorashada.

Waxaana uu ballan qaaday inuu si isku mid ah ugu adeegi doono shacabka dalkiisa, kuwii doortay iyo kuwii aan dooranba.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa labadaba ay dacwado uga socdaan maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, iyadoo lagu eedeeyay inay wax ka maleegeen rabshadihii dhacay doorashadii 2007-dii.

Odinga oo qaadacay

Hogaamiyaha xisbiga Cord, Raila Odinga iyo saraakiisha ugu sarreysay ee xisbigiisa ayaa qaadacay xaflada caleema saarka, iyagoo u duulay waddanka Koonfur Afrika.
Inkastoo uu aqbalay go’aankii maxkamada ayaa haddana Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya uu dhawaanahan jeediyay hadallo lidi ku ah qaabkii ay u dhacday doorashada, balse waxaa uu sheegay inuusan doonayn in taageerayaashiisu ay qalalaaso sameeyaan.

529085_10151195578917609_1205076097_n.jpg
561316_10151195578167609_984748721_n.jpg
10028_10151195587427609_1141225034_n.jpg
905697_10151195341267609_1487188563_o.jpg
903730_10151195338407609_16369875_o.jpg
905813_10151195340317609_316688510_o.jpg
906851_10151195347767609_148156737_o.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya