4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Dableey hubeysan oo xalay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Amniga Puntland ku Toogtay Magaalada Gaalkacyo

Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) — Waxaa xalay fiidkii magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu toogtey sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Puntland.Sarlkaalka la diley oo lagu magacaabi jirey Col. Axmed Maxamed Axmed ''Dhega-wayne'' , wuxuu ahaa isuduwaha xafiiska wasaaradda ee gobolka Mudug.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa ah Cagaar-weyne oo ka tirsan xaafadda Garsoor, waxaana Col. "Dhega-weyne"  la toogtey waxyar kaddib markii uu kasoo baxay masjid aagaas ku yaal oo uu salaaddii makhribka kusoo tukadey.Dad goobta ka agdhowaa xilliiguu uu dilku dhacay, ayaa war-baahinta u sheegay in sarlkaalka geeriyoodey uu dhowr xabbadood ku dhuftay nin baaskoolad ku hubeysnaa, kaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska oo daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay baaritaan muddo kooban socdey ka sameeyey, ayaan ku guuleysan in ay falkaas cidna usoo qabtaan.Dhinaca kal gudoomiyaha gobolka Mudug oo dilka kadib war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in cid walba oo isku dayda in ay ammaanka wax u dhinto gacan bir ah lagu qaban doono.

Wuxuuna dhinaca kale dadweynaha ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan si wanaagsan ula shaqeyn laamaha ammaanka, maadaama aysan gacan ka geysan soo qabashada iyo daba galka dadka magaalada dhexdeeda wax ku dila, isagoo ceeb ku tilmaamay in iyada oo loo jeedo uu gacan ku dhiigluhu si fudud ku baxsado.

Ammaanka magaalada Gaalkacayo - dhinaca uu ka arimiyo maamulka Puntland- ayaa ahaa bilihii u danbeeyey mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in xaafadda Garsoor ay horay uga dheceen dilal badan, kuwaasoo intooda badan lala bar-tilmaameedsaday saraakiil maamulka Puntland xilal ka hayey iyo kuwo horay uga soo qabtay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya