4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan muddo dheer qaatay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay maanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

Kulanka labada ra’iisul wasaare oo ahaa mid labadooda u gooni ah ayay uga hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxayna kulankooda ku tilmaameen mid taariikhi ah, waji cusubna u furaya xiriirka labada waddan u dhexeeya, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia uu dhiggiisa ugu hambalyeeyay qabashada jagada guddoonka ururka Midowga Afrika oo dhawaan uu la wareegi doono.

“Mudane ra’iisul wasaare waxaan kuugu hambalyaynayaa fursaddan aad u heshay inaad qabato jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Isagoo intaas ku daray inay tahay mas’uuliyad weyn oo uu u qabanayo Afrika oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo si diirran u soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mar kasta garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay yeelatay madax aad ugu ammaanan sida ay uga go’an tahay inay dalka Soomaaliya xasiliyaan dibna u soo dhisaan. Isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hal-abuur leh oo waqti yar gudihiis kaga soo kaban kara dhibkii soo maray kana qaybqaadan kara horumarka caalamku uu ku tallaabsaday.

“Soomaalidu waa dad hal-abuur leh kuna fiican ganacsiga, waqti sidaas u sii dheer kuma qaadanayso inay dib u soo kabtaan, dalkooda dhisaan, dunidana tartan la galaan. Waana ku faraxsanahay ra’iisul wasaare in xukuumaddaadu hormuud ka tahay Soomaaliyada cusub,” ayuu Daselegn hadlakiisa ku daray.

Ra’iisul wasaarayaasha ayaa sidoo kale kawada xaajooday arrimaha gobolka iyo kaalinta urur goboleedka IGAD uu kaga jiro. Iyagoo isla falanqeeyay xaallada sugidda ammaanka Soomaaliya iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay ka qaateen. Waxayna isku af-garteen in dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab uu muhiimadda koowaad kaga jiro qorshaha labada dal; maadaama ay caqabad ku yihiin nabadda iyo horumarka ay hig-sanayaan shacabka ku nool labada dal.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay madax kale oo Afrikaan ah, kuwaasoo uu ku jiray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia ku wehlinaya safarkiisan wasiirada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, gaashaandhigga, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo xubno kale.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay berri u dhoofi doonaan dalka Uganda oo qayb ka ah dalalka uu booqanayo, waxaana uu uga sii gudbi doonaan dalka Burundi, waxaana dalalka uu marayo oo dhan ka jooga Soomaaliya ciidammo gacan siinaya dowladda Soomaaliya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya