4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Maamulka KMG-ka ah ee Magaalada Kismaayo oo Mamnuucay in Hub Sharci-darro lagu dhex-qaato Magaalada

Isniin, 08 April, 2013(HOL) :-Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aan la arki karin askari hub ku dhexwata magaalada, waxayna arintani ka danbeeysay  kadib markii maalmihii u danbeeyay ay soo baxayeen kooxo hubeysan oo dhac u geysta dadka rayidka ah.

Taliyaha amniga magaalada Kismaayo Sheekh Max’uud Qaalib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ciidamada Militariga ah laga saari doono magaalada, Islamarkaana amniga magaalada ay la wareegi doonaan ciidamo gaar ah.

Masuulkani ayaa sheegay in askarigii la arko isagoo hub sharci darro ah ku dhexwata magaalada la toogan doono, wuxuuna intaa ku daray in hadafka laga leeyahay arintan ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Maalmihii u danbeeyay waxaa  jiray cabashooyin kasoo yeerayay dadka rayidka ah ee ku dhaqan Kismaayo, taasoo ku aadan burcad hubeeysan oo dhac u geysta goobaha ganacsi iyo weliba dadka rayidka ah ee isaga kala goosha xaafadaha magaalada.

Talaabadan maamulka Kismaayo uu ku mamnuucay in ciidamada Militariga ah ay hub ku dhexqaataan magaalada ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya