3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Wafdigii shalay gaaray Baladweyne oo kulammo la leh Mas'uuliyiin Maamulka Gobollka Hiiraan ka tirsan iyo Qaybaha Bulshada

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Wafdiga ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ee maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa kulamo gargaar ah la yeellanaya mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xilli maanta la fillayay in xilka lagu wareejiyo mas’’uuliyiinta cusub ee maamulka gobollka Hiiraan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan siweyn uga soo horjeedaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka oo sida sheegeen wax la tashi ah kala sameynin dowladda,  laakiin ay ka war helleen qaban-qaabada munaasabada xil wareejinta.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka mid ah xubnaha wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay HOL in ilaa iyo maanta soo dhameyn doonaan kulamada ay la leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo qeybaha bulshada maalinti barri ah la qaban doono munaasabada xil wareejinta.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka mid ahaa wafdigii maalintii shalay tagay magaalada Baladweyne sheegay in uu xilka ku wareejinayo cid kasta oo ay dowladda soo magacaawdo maamulka gobollka lana shaqeyn doono, hasse xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn magacaabista maamulka cusub ee gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa la oran karaa laftirkooda kulamada soconaya qeyb ayeey ku leeyihiin, madaama ay quseyso arinta ku saabsan nabad-galyada gobollka gaar ahaa magaalada Baladweyne.

Maalintii bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada lagu qabto munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayaan guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo guddoomiyaha cusub Cabdi Faarax Laqanyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
4/8/2013 3:03 PM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Norway ayaa maanta kulammo kala duwan kula qaatay magaalada Oslo ee xarunta dalkaas mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Norway.

4/8/2013 2:24 PM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay maanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

4/8/2013 2:05 PM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta ka dhacday dhacdo aad u fool xun oo ay sameeyeen labo ka tirsan askarta ciidamada dowladda Somalia kaddib markii ay ku murmeen lacag gaaraysa 4,000 oo shillin Soomaali ah.

4/8/2013 10:30 AM EST
Isniin, 08 April, 2013(HOL) :-Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aan la arki karin askari hub ku dhexwata magaalada, waxayna arintani ka danbeeysay kadib markii maalmihii u danbeeyay ay soo baxayeen kooxo hubeysan oo dhac u geysta dadka rayidka ah.

4/8/2013 9:07 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta soo saaray wareegtu uu ku magaaabay guddi heer qaran oo qabanqaabisa xuska 18 May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka madax banaantahay soomaaliya inteedda kale 18. May, 1991.

4/8/2013 8:58 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-gudoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka garsoorka, cadaalada iyo arrimaha diinta, C/llaahi Abyan Nuur, iyadoo kulanka looga hadlay digniintii Britain ay kasoo saartay amaanka Muqdisho, iyagoo sheegay inaysan khatari ka jirin xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

4/8/2013 8:24 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo maanta u ambabaxay dalka Turkiga oo uu ka furmayo shir lagu wada-hadalsiinayo Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay soomaaliya ku qancinayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen madax banaanidda Somaliland, inkastoo ay laba mawqif oo kala durugsan la kala taagan yahay, haseyeeshee albaabadda wada hadalka aanay xidheyn ee ay soo dhoweynayaan in la wada hadlo.

4/8/2013 8:20 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Agaasimihii hay’adda nabad-sugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalada Muqdisho, isagoo hadalkan kusoo beegay iyadoo dowaldda Ingiriisku ay maalmo ka hor soo saartay digniin ku saasan in Muqdisho ay ka dhici karaan weerarro argagaxiso.

4/8/2013 8:05 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray xerada Xalane ee duleedka Muqdisho boqolaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilooyin halkaas tababar ku qaadanayay.

4/8/2013 7:27 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa markii ugu horreysay tababarka da’yarta dublamaasiyiinta adduunka oo ka furmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

4/8/2013 7:18 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bartamaha degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ku toogtay gabar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ahayd jaajuusad u shaqeysa dowladda federaalka ayna qabteen iyadoo falal shirqool ah gacanta kula jirta.

4/8/2013 1:29 AM EST
Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir looga hadli lahaa arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay soo qabqaabisay IGAD, iyadoo dib u dhacan uu ku yimid codsi ka yimid dalka Kenya oo sheegtay inay ku jiraan xilli kala guur ah.