4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM oo Booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afirka ee Soomaaliya, danjire Maxmaed Saalax Anaadiif oo ay wehliayaan taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti, madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera AMISOM (UNSOA), Amadou Carama iyo taliyaha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, Maj-Gen. Francis K. Nthenge ayaa booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Danjire Anaadiif ayaa markii uu tagay Kismaayo wuxuu ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ku amaanay dadaal ay u galeen sidii ay Kismaayo uga saari lahaayeen Al-shabaab, isagoo sidoo kale ku ammaanay shacabka iyo dowladda Kenya dhiiggii qaaliga ahaa ee ay ku bixiyeen xoreynta Kismaayo.

“Ujeeddada ugu weyn ee aan halkaan u nimid waa inaan ogaanno qalabka ay ciidamada halkan jooga haystaan iyo sidii aan warbixinno uga heli lahayn howsha ay ciidamadan halkan ka hayaan iyo joojintii dhoofinta dhuxusha,” ayuu yiri ergayga oo intaas ku daray in AMISOM ay doonayso inay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xaqiijiso in dowladda Soomaaliya ay si sharci ah u joojisay dhoofinta dhuxusha.

Taliyaha ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, A. M. Ngere ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka tirsan yihiin kuwa AMISOM aysanna wax lug ah ku lahayn dhoofinta dhuxusha, si toos ah iyo si dadban intaba. Isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay si dhab ah u xaq-dhowraan sharciyada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, danjire Maxamed Anaadiif iyo wafdigiisa ayaa aad ugu farxay inay booqasho ku tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidammmo hoos-yimaada ururka Midowga Afrika.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga began magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya, waxayna bishii Oktoobar ee sannadkii hore; inkastoo magaaladaas uu ka socdo shir ay dowladda iyo maamulka KMG ah ee magaaladaas ay isku maan-dhaafsan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya