4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Maayarkii Hargeysa oo ku Geeriyooday Isbitaal ku Yaalla Imaaraadka Carabta iyo Siilaanyo oo Guddi u Magacaabay Aaskiisa

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ahaa Maayarkii Hargeysa Eng:Yusuf Warsame Siciid ayaa saaka ku geeriyooday wadanka imaaraadka Carabta oo uu muddo ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

“Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay  JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi  qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood.

Waxaana guddidaasi gudoomiye looga dhigay    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Xildhibaan Maxamuud Axmed  Oobsiiye, Mudane, Maxamed Baarjeex, Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed,  Marwo, Aamina Yusuf Aar.

Alla ha u naxariisto Maayarkii magaaladda Hargeysa Marxum Yuusuf Warsame Siciid oo muddo dhawr bilood ah hayey xilkaasi, waxaanu ahaa khabiir aqoon badan u leh qurxinta iyo qaabeynta magaalooyinka, waxaanu ka soo shaqeeyey Soomaaliya, Jabuuti iyo dalal reer Yurub ah.

Maayarka ayaa ka soo baxay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxanay aad u taageereen soo bixitaankiisa, isla markaana ku guulaystay maayarnimada, haseyeeshee isagoon aan wali shaqadii si rasmi ah u bilaabin ayaa xanuunkan uu u geeriyooday ku dhacay, waxaanu muddo ku jiray cisbitaal ku yaala magaaladda Dubia ee imaaraadka Carabta.

Gudoomiyaha xisbiga Wadani, gudomiyaha xisbiga UCID iyo goleyaasha deegaanada magaalooyinka Somaliland, ayaa tacsi u diray marxumka , iyagoo ilaahay u baryey inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland