4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Wax-ka-badal lagu Sameeyay Qodobbo ka mid ah xeerka Doorashooyinka dhacaya Bisha May

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Iyadoo ay dhowr todobaad oo qura ka harsan yihiin xilliga la shaaciyey in ay qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland - oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah- ayuu shalay golaha wakiillada ee Puntland cod aqlabiyad leh ku meel mariyey qodobo uu guddiga doorashooyina codsaday in wax laga bedelo.

Qodobadaas oo muran xooggan ka dhaliyey saaxada siyaasadda ee Puntland, ayaa waxaa ugu muhiimsan: diiwaan gelinta shacabka, kala xadeynta gobollada iyo weliba sameynta kaararka aqoonsiga ee dadka cod bixiyeyaasha ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo shalay warbaahinta la hadlay, kaddib markii uu soo gaba gaboobey kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maalmihii lasoo dhaafay u fadhiyeen, kaasoo ay kaga doodayeen qodobo uu guddiga doorashooyinku codsaday in wax laga bedelo, maadaama aysan xilligan suurtagal ahayn, ayaa sharraxay go'aanka uu baarlamaanku arintaas ka qaatay.

Wuxuuna tilmaamay in doorashadani ay tahay tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Puntalnd ka dhacda, sidaas darteedna aysan suurtagal ahayn in la qaado tallaabooyin badan oo doorashada muhiim u ah, sida diiwaan gelinta dadka oo si kumeel gaar ah looga maarmay, maadaama - sida uu gudoomiyuhu sheegay- ay jiraan caqabado badan oo dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

Dhinaca kale, waxaa sii xoogeystey cabashada ku aadan wax ka bedelka xeerka doorashooyinka ee kasoo yeereysa ururada siyaasadda ee iyagu doorashadaas ku tartami doona. Ururada MIDNIMO iyo UDAD oo kamid ah 6-da urur-siyaasadeed ee doorashadaas geli doona, islamarkaana bulshada dhexdeeda ku leh taageero aad u xoogan, ayaa khamiistii lasoo dhaafay si cad u sheegay in ay gebi ahaanba qaadaceen doorashada loo dareerayo bisha May ee soo socota.

Go'aankaas isaga ah ayey sabab uga dhigeen in uu yimid kaddib markii ay u muuqatay in doorashadaasi aysan noqon karin mid xalaal ah; maadaama meesha laga saaray xeerar muhiim ah oo la'aantood aysan doorashadu qabsoomi karin. Afarta urur ee kale ee uu ku jira ururka HORSEED ee uu gudoomiyaha ka yahay madaxweyne Faroole ayaa soo dhoweeyey go'aanka uu baarlaaanku wax kaga bedeley xeerka doorashooyinka.

Maamulka Puntland oo la dhisay sanadkii 1998, ayaa mudadii uu jiray ahaa mid ku taagan nidaamka maamul ee wax ku qaybsiga hab beeleedka, waxaana in muddo ah soo socdey dadaal ku aadan sidii maamulka looga dhigi lahaa mid ku yimaada doorashooyin xor ah iyo tartanka axsaabta badan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya