4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Koox Fannaaniin ah oo lagu weerarya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer; iyadoo laga joojiyay Bandhig ay Qaban Lahaayeen

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Koox fanaaniin ah oo doonayey inay bandhig faneed ku qabtaan magaaladda Burco ayaa dhibaato ka soo gaadhay ka dib markii hoolkii ay ku qabanayeen la isku qabsaday.

Fanaaniintan oo ah koox cusub oo dhallinyaro ah oo la baxay fanaaniinta geeska, ayaa bandhigoodii aanu u qabsoomin ka dib markii dad cadhaysani weerar la beegsadeen kooxdaasi, kuwaas oo khasaare fudud ka soo gaadhsiiyey hoteelkii lagu qabanayey, gaadiidkii iyo fanaaniinta qaarkood.

Fanaaniintan ayaa waxa ka hor yimid culimadda gaar ahaan guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, kuwaas oo bandhigaasi ku tilmaamay mid aanay diintu ogolayn, taasina waxay sababtay in maalintii balantu ahayd dib uga dhacdo, haseyeeshee waxay mar labaad isku dayeen inay bandhigooddu u qabsoonto, waxaanay dadkii rabay inay ka qaybgalaan munaasibadaasi ay kaadhadhkii lagu galayey oo toban dollar ahayd maalinimadii sii goosteen si aan looga bixin, nasiib darase wakhtigii ay fanaaniintu hoolka soo galeen ayaa weerarkan lagu beegsanayey ay dhacday.

Dad ku sugan magaaladda Burco oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in fanaaniintu dib uga dhaceen wakhtigii ay bilaabmi lahayd bandhigu, ka dibna ay dadku ku gadoodeen maadaama oo lacagtii laga qaaday, sidoo kale waxa jirtay in aanay culimadu ogolayn in bandhigaasi qabsoomo.

Dadka qaar ayaa noo sheegay in weerarkan fanaaniinta loo geystay ay ahayd mid qorshaysan oo lagu baajinayey bandhigaasi, oo lagu soo dhex daray dad doonayey inay khalkhalgaliyaan inay qabsoonto bandhigaasi.

Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarji oo aanu khadka Telefoonadda kula xidhiidhay ayaa sheegay in aanay dhibaato soo gaadhin fanaaniinta, oo uu xaalkoodda ka war hayo, haseyeeshee, waxa uu ka gaabsaday inuu ka warbixiyo qaabkay wax u dhaceen.

Guddoomiyaha kooxda Abwaan: Xasan Dhuxul Laabsalaax oo aan khadka Telefoonka kula xidiidhay isagoo Burco jooga, ayaanay ii suurtogalin in aan helo ka dib markii uu qaban waayey telefoonkiisa gacanta.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdan fanaaniinta ah ayaa ku soo guuldaraystay inay bandhigaasi u hirgalo, isla markaana laba jeer oo ay isku dayeen aanay suurtogal noqon,  waxase xusid mudan in Cigaal Hotel oo bandhiga lagu qabanayey aan la geyn ciidan ku fulin, taasina ay keentay in khasaaraha gaadiidka loo geystay ay badato.

Kooxdan fanaaniinta ah ayaa taageerayaal badan ku leh magaaladda Hargeysa si weyna looga jecel yahay, waxaanay ilaa xalay dadweynuhu hadal hayeen dhibaatadda fanaaniintaasi loo geystay, isla markaana waxay muujinayeen inay aad uga xun yihiin dhibtaasi soo gaadhay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland