4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Maydka Shaati-Guduud oo laga soo Dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho; halkaasoo Janaaso lagula Tukanayo

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Maydkii Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo toddobaadkii hore ku dhintay dalka Jamalka ayaa saakay laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasoo lagula tunayo salaadda janaasada, kaddibna waxaa loo duulinayaa degmada Baydhabo ee gobolka Bay si halkaas loogu aaso.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha si ay maydka janaaso ugu tukadaan, lamana oga in madaxweynuhu uu maydka u raaci doono Baydhabo iyo in kale.

“Diyaaradii sidday maydka Shaati-guduud waxay ku sugan tahay garoonka, halkan ayaana lagula tukanayaa, kaddibna waxaa loo duulin doonaa Baydhabo halkaasoo lagu aasayo,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan dowladda oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shaati-guduud ayaa u geeriyooday xanuun muddo dheer hayay, waxaana xilliyadii ugu dambeeyay uu ku jiray isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, isagoo noqonaya hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay oo maydkiisa laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa hoggaamiyihii RRA sannadihii sagaashamaadkii, balse wuxuu xilal wasiirro iyo xildhibaan kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan inuu halkaas ka socdo diyaar-garow loogu jiro aaska maydka Shaati-guduud, waxaana ammaanka magaalada sugaya ciidammo ka tirsan booliiska iyo milateriga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya