3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Norway


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay  maanta oo Sabti ah magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweyntooda ka qaybgalay Soomaalida ku nool magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway, sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Norway.

Prof. Jawaari ayaa socdaalka uu ku tagay Norway waxay la xiriirtaa casuumad rasmi ah oo ay ka heleen dowladda Norway, gaar ahaan siminnaaro ku saabsan habka dowladaha iyo baarlamaannadu ay u wada-shaqeeyeen, waxaana wafdigan uu ka kooban yahay madaxda guddiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa inta uu joogo Norway oo ah shan casho ayaa wuxuu kulammo la qaadan doonaa madaxda dalkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Norway; iyada Talaadada soo socota la filayo in guddoomiyaha uu la hadli doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Dalka Norway ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka Yurub ee ay Soomaalida badan ku nool yihiin, iyadoo Prof. Jawaari uu ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku noolaa dalkaas, ka hor intii aan loo dooran xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Safarka guddoomiyaha baarlamaanka uu ku tagay dalka Norway ayaa wuxuu noqnoayaa kii labaad oo uu ku tago dalka dibadda ah tan iyo markii xilkaas loo magacaabay, isagoo horay u booqday dalka Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/6/2013 12:58 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Waxaa faraha ka baxay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, iyadoo lagu arkayo xilliga salaadda maqribka iyo salaadda cishaha in waddooyinka qaar sida waddada Masaajidka shariif gacamey iyo waddada aadda xaafada Mursal ay isbaaro u taallo qaar ka mid ah ciidamada xooga dalka.

4/6/2013 12:18 PM EST
Marxuum Ibraahim Cilmi Bullaale oo loo yaqaanay Ibraahim Xisbiyow ayaa maalintii jimcihi ee bishan April 5, 2013 lagu aasay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

4/6/2013 12:01 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) —Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha xukuumadda, waxaana kulankii ay xildhibaannadu maanta yeesheen looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin la-xisaabtanka xukuumadda iyo wadashaaqeynta kala dhexeysa baarlamaanka.

4/6/2013 11:32 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Hal askari ayaa dhintay, afar kale oo laba ka mid ah ay yihiin askartii dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

4/6/2013 11:23 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay deegaanno cusub oo ka tisran gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay in lagu adkeynayo ammaanka goobo ay horay u qabsadeen.

4/6/2013 11:00 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dunida oo dhan waxaa laga xusay maalinta Miinada Adduunka , waxaana xus ku saabsan maalinkaas qabtay hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN oo gacan ka helaysay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF, iyadoo uga qayb-gashay xuska sannadkan tartan isboorti oo uu qaban-qaabadiisa uu lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaana mushruucan loogu magac-daray ‘Waxbarashada Khatarta Miinada’.

4/6/2013 10:41 AM EST
Sabti, April 06, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ka dhoofay ku dhawaad ilaa 43 Xildhibaan oo kamid ahayd xildhibaanadii dowladda federaalka ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

4/6/2013 10:36 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Somaliland, ayaa maanta laga xusay lixda April oo ah maalintii lagu dhowaaqay Jabhaddii SNM ee dagaalka ba’an la gashay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

4/6/2013 10:31 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Baqdin iyo wal-wal xoog leh ayaa la soo darrsay xilligan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka cabsi qaba fatahaad uu mar kale sameeyo wabigga Shabeelle, kadib roobab xoog leh oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay magaalada Baladweyne.

4/6/2013 1:34 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin cusub oo ay uga digayso muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo ay ka mid yihiin qaraxyo.

4/6/2013 1:32 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ay yihiin loo fulin doono qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habenta garsoorka dalka oo Jimcihii shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.